hadhwanaagnews

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay kulan ballaadhan oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Mohamoud Adan. Kulanka waxaa sidoo kale ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Ascaarta, Agaasimaha Horumarinta Ganacsiga, iyo Maamulka Xafiiska Wasiirka.
Waxaa kulanka ka qayb galay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo ganacsatada waaweyn ee dalka soo dajisa maciishada kala duwan, si looga wada hadlo xaaladda ganacsiga dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan Bariga Dhexe iyo saamaynta ay ku yeelan karto ganacsiga Somaliland, gaar ahaan dhinaca soo dejinta raashinka iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah.
Ganacsatadii kulanka ka hadashay ayaa caddeeyay in keyd raashin oo ku filan uu dalka yaallo, isla markaana maraakiib sida raashin kala duwan ay jidka ku soo jiraan, kuwaas oo la filayo inay dhawaan soo gaadhaan dalka.
Ugu dambayn, waxaa laysla qaatay in ganacsatada iyo xukuumaddu si dhow u wada shaqeeyaan, si loo hubiyo xasilloonida suuqa iyo helitaanka maciishada, inta ay taagan tahay xaaladda ka jirta Bariga Dhexe.