hadhwanaagnews ![]() |
Qofna ha weydiisan inuu ku ixtiraamo, waayo wuu ogyahay inaad tahay bani’aadam Alle abuuray oo ixtiraam mudan. Ixtiraamku waa waxa ugu yar ee qof kale la siin karo. Haddii aad qof ka weydo ixtiraam, ha ka baryin, waayo taasi waxay muujinaysaa inuu ku liidayo isla markaana u arko inaadan wax qiimo ah ku lahayn noloshiisa.
Mararka qaarkood waxaad arkeysaa qof kale la doodaya ama la garnaqsanaya mid kale, laakiin marka aad si qoto dheer u fiiriso, dooddaas waxaa sal u ah ixtiraam-darro. Dad badan ma fahmaan in ixtiraam-darradu ay tahay mid ka mid ah xaqiraadaha ugu xun ee qof lagu sameeyo.
Haddii aad aragto qof ku xaqiraya ama aan ku ixtiraamayn, ma jirto sabab aad ula sii garnaqsato. Dunida waxaa ku nool boqolaal, kumanaan iyo malaayiin qof oo ku ixtiraami kara oo ku qiimeyn kara.
Sidaa darteed, qofka aan ku ixtiraamayn ha ka raadin ixtiraam, balse qiimahaaga ogow, una jeeso dadka ku qadariya.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!