Xidhiiidhka Iskaashiga Amniga Ee Jamhuuriyada Somaliland Iyo Maraykanku Goormuu Soo Bilaabmay ?

Tuesday October 14, 2025 - 17:42:24
hadhwanaagnews
Sida lagu xusay buug uu soo saaray machadka daraasaadka caalamiga

Dad badani waxaa laga yaabaa inaanay xog ka haynin ee xidhiidhka jamhuuriyada Somaliland iyo maraykanku wuxuu soo bilaabmay 1993 xiligii madaxweyne cigaal .

Maraykanku waxay wax ka weydiin jireen xaaladaha soomaaliya , Somaliland iyo Gobolka Geeska Africa, sidoo kale waxay ka caawin jireen xaga amaanka , xiligaasi oo ahaa xiligii dhaq-dhaqaaqyada ururada islaamiyiintu xoogeysanayeen oo ay talisyo ku lahaayeen laasqorey iyo camuud .

Waxaa xigey danaynta maraykanka ee jamhuuriyada somaliland markii weerarada lagu qaaday 11 sept 2001 oo uu maraykanku ku daray soomaaliya lixda dal ee xarumaha u ah argagixisada, sidoo kale waxa uu xidhey dhamaan xawaaladihii lacagta dadku ku soo diri jireen.

Sida lagu xusay buug uu soo saaray machadka daraasaadka caalamiga ah ee loo yaqaan ( center for strategic and international studies ) sanadkii 2001 waxa maraykanku diirad xoogan saaray soomaaliya iyo Geeska Africa oo dad badan iyo shirkado badan lagu xusay inay cilaaqaad la leeyihiin ururada xagjirka ah.

Maraykanku xiligaasi wuxuu soo degay dalka Djibouti oo uu ka sameystay saldhig ciidan oo uu ugu talogalay inuu kala dagaalamo argagixisada iyo waxii halis ku ah amniga mandaqada .

Intaa waxii ka dambeeyay maraykanku wadamada uu si dhow ula shaqeeyo ayey Jamhuuriyada Somaliland ka mid aheyd oo uu arkay meel ka badqabta argagixisada iyo masiibooyinka aafeeyey dhinacii kale ee soomaaliya.

Arimahani jamhuuriyada Somaliland waxay ku mutaysatay cadaawad iyo dagaal ka dhan ah waxaana sanadkii 2008 lala beegsaday weeraro argagixiso oo lagu baajinayey doorashooyinkii sidoo kale loogu talogalay in lagu dilo madaxweynihii Somaliland ee xiligaasi.

Arinkaasi wuxuu noqday in markale jamhuuriyada Somaliland iyo USA isku soo dhawaadaan maadaama cadaw isku mid ah yeesheen waxaana xidhiidh xaga amaanka ah iyo mid diblomaasiyadeed u bilowday labada dal.

Waxaa jirtay waxii ka horeeyey sanadkii 2016kii in siyaasada maraykanka ee ku waajahan Somaliland iyo Somalia aheyd mid kala duwan oo dawlada maraykanku ula macaamisho laba dhinac.

Dhinaca kale waxaa jira xeerar iyo mooshino badan oo mudaneyaal u ololeeya jamhuuriyada Somaliland geeyeen goleyaasha Congresska iyo Senateka maraykanka kuwaasi oo sababay booqashadii madaxweynihii hore maraykanka ku tagey iyo arimo badan oo hadda socda.

Intaa ka dib waxaa bilaabmay kala hororsiga quwadaha aduunka ee Africa iyo aduunka kale , waxaana soo degay Gobolka Geeska Africa saldhigyo ciidamo badan oo aduunka ah kuwaasi oo danaynaya staratijada Gobolka Geeska Africa, muhiimada badda cas iyo Gacanka cadmeed.

Maraykanku markaa wuxuu ku dagaalamay in aan jamhuuriyada Somaliland laga qabsan maadaama wadamadii kale ee Gobolka Geeska Africa China iyo wadamo kale ku cidhiidhyeen.

Ugu dambayn maraykanku gaar ahaan pentagon waxay ku qanceen in jamhuuriyada Somaliland lagama maarmaan u tahay danaha maraykanka markay eegeen qodobadan;

1- Muhiimada ay leedahay bugcada jamhuuriyada Somaliland aduunka kaga taallo.

2- Danaha maraykanka ee badacas, bab elmandeb iyo Gacanka cadmeed oo muhiim u ah .

3- Culeyska China ku hayo Africa gaar ahaan Gobolka Geeska Africa , ayuu maraykanku u arkay in Somaliland aan laga qabsan maadaama wadamadii Gobolka Geeska Africa intoodii badnayd China la safteen.

4- Khayraadka, sida shidaalka , dahabka iyo macdanaha aduunka ee gabaabsiga ah oo jamhuuriyada Somaliland dhamaantood dihin.

Isku soo wada xoori xeerka maraykanka labadiisa aqal ansixiyeen ee loo yaqaan NDAA 2026 oo ah qorshe miisaaniyadeedkiisa lagu xusay ahmiyada Somaliland ayaa la filayaa inay horseedo qodobadan ;

1- In maraykanku xafiis rasmi ah ka furto caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa .

2- In Somaliland gaar ka noqoto siyaasada socdaalka maraykanka ee Gobolka Geeska Africa.

3- In maraykanku saldhig milateri ka sameysto badda jamhuuriyada Somaliland.

4- Inay yimaadaan shirkadaha shidaalka soo saara iyo maalgashadaasha maraykanku jamhuuriyada Somaliland.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...