Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa shalay qaaday talaabo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegga dawladda, iyada oo tababar u furtay agaasimeyaasha waaxyaha cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka. Tallaabadani waa mid muujinaysa sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in la xoojiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa si cad u sheegay in tababarku yahay mid kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, kuwaas oo ah laf-dhabarta nidaamka adeegga dawladda. Waa arrin muhiim ah in la fahmo in shaqaalaha dawladda aanay kaliya ahayn shaqaale buuxiya boosaska shaqo, balse ay yihiin kuwa si toos ah ugu adeegaya bulshada, isla markaana qayb ka ah horumarka iyo xasiloonida dalka.
Maanta, dalal badan oo horumaray waxa guushoodsa tusaale u ah sida tababarka joogtada ah iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha ay u yihiin furaha guusha adeegga dawladda iyo horumarka guud ee bulshooyinka. Sidaa darteed xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday jidkan, si loo horumariyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dawladda, taas oo suurto-gal ka dhigaysa in ay adeegyada dowladdu noqdaan kuwo hufan, daahfuran, lagu kalsoonaan karo.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa si joogto ah u muujisay sida ay uga go’antahay horumarinta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha dawladda Somaliland, iyada oo si taxane ah u qabata tababarro sare iyo barnaamijyo dhiirrigelinaya hal-abuurka, hogaaminta wanaagsan, iyo maamulka casriga ah si shaqaalaha dawladdu ay waajibaadkooda ugu gutaan si hufan.
Ugu dambeyntii, tababarkani waa tallaabo horumarineed oo lagu xaqiijinayo in adeegyada dowladda Somaliland ay si wanaagsan uga jawaabaan baahiyaha bulshada, taas oo horseedi doonta kalsooni dheeraad ah iyo isdhexgal bulsho oo wanaagsan. Tababarradan ayaa qayb ka ah dedaalada muhiimka ah ee ay xukuumaddu ku wajahayso dhismaha mustaqbal ifaya oo dalka iyo dadku ba ay ku faani karaan.