Sheekh Shabcaan oo Ka Hadlay Abaarta iyo Colaadda, Baaqna u Diray Bulshada

Saturday February 21, 2026 - 11:48:59
HADHWANAAGNEWS
"Dad iyo Duunyaba Waa in Loo Gurmaa"


 

Hargeysa – Sheekh Shabcaan Cabdillaahi Aadan, oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa qudbaddii Jimcaha ee Masjid Waaxyeyn ee magaalada Hargeysa kaga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo colaadaha ka aloosan gobollada galbeedka, isaga oo bulshada ugu baaqay gurmad iyo isu naxariis.

 

Sheekhu waxa uu sheegay in xilligan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ay dalka ka jiraan laba dhibaato oo waaweyn oo hore looga ducaysan jiray – colaad iyo abaar – kuwaas oo maanta si isku mar ah u saameeyay bulshada.

 

"Dad iyo Duunyaba Waa in Loo Gurmaa”

 

Sheekh Shabcaan ayaa xusay in abaartu si gaar ah u saamaysay miyiga, halkaas oo ay dhibaato ku haysato xoolaha, haweenka iyo carruurta, isaga oo ku booriyay dadka magaalooyinka ku nool in aanay moogan xaaladda jirta.

 

"Maanta inagoo ku jirna bishii barakaysnayd ee Ramadaan waxaa jira labadii ugu adkaa ee laga ducaysan jiray oo ah colaad iyo abaar… waa in aynu isu naxariisano oo aynu u gurmano nugulkii, dad iyo duunyaba way jilicsan yihiin,” ayuu yidhi.

 

Wuxuu ku baaqay in bishan Ramadaan la kordhiyo samafalka, sadaqada iyo gargaaridda dadka iyo xoolaha abaartu ku dhufatay.

 

Baaq Nabadeed oo Ku Saabsan Galbeedka Dalka

 

Sheekhu waxa kale oo uu si gaar ah uga hadlay colaadda ka taagan gobollada Selel iyo Awdal, isaga oo ugu baaqay culimada iyo madaxdhaqameedka in ay qaataan doorkooda nabadaynta.

 

"Waxaa jirta colaad ka taagan galbeedka dalka oo dhiig ayaa daadanaya, waxaana loo baahan yahay in madaxdhaqameedka iyo culimadu ka gurmadaan oo dadka wanaagooda laga shaqeeyo oo la aslaaxiyo,” ayuu ku daray.

 

Ducada iyo Isu Samaynta

 

Sheekh Shabcaan ayaa bulshada ku booriyay in ay ALLE baryaan, ducada badiyaan, isla markaana la tukado salaad roob-doon ah si loo helo raxmad iyo roob.

 

Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ummaddu is cafiso, isu samayso, kana shaqeyso wanaagga iyo midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka abaarta iyo colaadda.

 

Hadalka Sheekha ayaa imanaya xilli ay Somaliland wajahaysi xaalad abaareed oo ba’an iyo xiisado colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah galbeedka dalka.


     
Loading...