Wasiirka Biyaha: "Laba Qof ayaa ku Dhintay Roobabka—Bulshada ha Ka Fogaato Dooxyada"

Wednesday March 25, 2026 - 16:27:21
HADHWANAAGNEWS
Waxa uu bulshada uga digay inay ka fogaadaan goobaha biyo-...


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Kheyraadka Biyaha Somaliland, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, ayaa shaaciyay in laba qof ay ku dhinteen roobabkii ka da’ayay dalka, kadib markii ay qaadeen daadad ka dhashay roobabka.


 

Wasiirka ayaa si cad u sheegay: "Roobabka waxa ku dhintay laba qof oo daadku qaatay, meelaha dooxooyinka ah dadku aad ha uga fogaadaan.”


 

Waxa uu bulshada uga digay inay ka fogaadaan goobaha biyo-mareennada iyo dooxyada, si looga hortago khasaare naf iyo maalba leh, isagoo ku booriyay in si weyn loo kordhiyo feejignaanta xilliga roobabka.


 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay shacabka inay ka faa’iidaystaan biyaha roobka, si loo helo kayd biyo ah oo mustaqbalka la isticmaali karo, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinkii hore ee abaarta iyo biyo-yaraanta dalka soo maray.


 

Wasiirku waxa uu xasuusiyay bulshada in aan la sugin mar kale biyo-dhaamis degdeg ah, balse ay muhiim tahay in la qabto oo la kaydiyo biyaha roobka ee hadda da’aya, si loo yareeyo saameynta abaaraha mustaqbalka.

     
Loading...