HADHWANAAGNEWS 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro”, ayaa u mahadceliyey dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay ololaha dhir-beerista ee dalka, isaga oo bogaadiyey doorka ay bulshada iyo hay’adaha kala duwan ka qaateen ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay muhiimadda wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo wasaaradaha kale ee dowladda, kuwaas oo door muuqda ka qaata hirgelinta barnaamijyada dhir-beerista iyo ilaalinta deegaanka.
"Waxa aan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay dhir-beerista, waxa aan sidoo kale u mahadnaqayaa Wasaarad kasta oo wada shaqeyn la leh Wasaaradda Deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo deegaanka, si loo helo mustaqbal cagaaran oo waara oo ay ka faa’iideystaan jiilasha hadda iyo kuwa dambe.