Cabdikariin Axmed Mooge oo Iska Casilay Xubinnimadii Golaha Deegaanka Hargeysa

Sunday May 31, 2026 - 16:47:03
hadhwanaagnews
Ilaa hadda si faahfaahsan looma shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya ...



Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah uga tanaasulay xubinnimadii Golaha Deegaanka Hargeysa.

 

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigii uu ku lahaa Golaha Deegaanka Hargeysa, tallaabadaas oo soo afjaraysa doorkiisii golaha kadib markii uu hore uga degay xilkii Maayarka Caasimadda.

 

Ilaa hadda si faahfaahsan looma shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya iscasilaadda xubinnimada golaha, hase yeeshee tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isbeddello hoggaamineed ka dhaceen Dawladda Hoose ee Hargeysa.

 

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa muddooyinkii la soo dhaafay door muuqda ka soo qaatay maamulka iyo horumarinta Caasimadda Hargeysa, isaga oo ka mid ahaa masuuliyiinta sida weyn looga yaqaanay saaxadda siyaasadda Somaliland.

 

Waxaa la filayaa in hay’adaha ay khusayso ay ka hadlaan habraaca lagu buuxin doono kursiga uu baneeyey, iyadoo la raacayo xeerarka iyo nidaamyada u degsan golayaasha deegaanka Somaliland.


     
Loading...