hadhwanaagnews
Hargeysa – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 7aad ee kalfadhiga 15aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre).
Ugu horrayn, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ayaa mudanayaasha u sheegay in Golaha Wakiilladu uu soo gaadhay mooshin ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
Kadib markii la hubiyay xubnaha xildhibaanada ah ee keenay mooshinka, waxaa loo gudbiyay La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada, si uu u eego dhinaca sharciga ah, isla markaana Golaha ugu soo gudbiyo aragtidiisa ku aaddan mooshinka.
Sidoo kale, fadhiga maanta ayaa lagu sii waday doodda qabyada Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed, iyadoo mudanayaashu ay ka doodeen qodobbada xeerkaasi ka kooban yahay.
Doodda qabyo-qoraalka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ayaa ugu dambayn la soo gabagabeeyay, kaddib markii Golaha Wakiilladu sii ambaqaadeen ka doodistiisa.