hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay xaq buuxa u leedahay inay la samaysato xidhiidh iyo iskaashi cid kasta oo ay u aragto inay dan ugu jirto.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Jewish Chronicle, kadib markii la weydiiyey mowqifka dalalka Carabta ee ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhka ay la yeelatay Israa’iil.
"Dalalkaasi Ha Ku Mashquulaan Danahooda”
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in dalalka diidan aqoonsiga Somaliland ay ku mashquulaan danahooda gaarka ah, isaga oo adkeeyey in Somaliland xor u tahay go’aannadeeda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
"Somaliland xaq ayay u leedahay cidda ay xidhiidh iyo iskaashi la samaynayso,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xor u tahay, sida waddan kasta oo kale, inay samaysato isbahaysiyo iyo iskaashi ay dan u aragto.
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo sababay falcelin ka timid qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiinta.
Madaxweyne Cirro ayaa muujiyey in Somaliland ay mudnaanta siinayso danaheeda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, isla markaana aanay aqbalayn faragelin kaga timaadda dhinacyo dibadeed.
Saameynta Gobolka
Arrintan ayaa si weyn loogu falanqeynayaa gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil loo arko mid saamayn ku yeelan kara siyaasadda iyo iskaashiga gobolka.