Marwada Madaxweynaha oo Xildhibaanada Kenya ugu baaqday xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya

Wednesday August 12, 2026 - 17:30:01
hadhwanaagnews
Waxay xildhibaanada Kenya si gaar ah ugu boorrisay inay dhiirrigeliyaan



Nairobi – Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ugu baaqday inay door muuqda ka qaataan xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga bulshada iyo fursadaha dhaqaale.

 

Marwadu waxay sheegtay in Somaliland ay leedahay fursado badan oo dhaqaale iyo maalgashi, halka Kenya ay tahay saaxiib iyo deris muhiim ah, taas oo ay sheegtay inay labada dhinac u abuuri karto fursado cusub oo lagu xoojin karo iskaashiga.

 

Waxay xildhibaanada Kenya si gaar ah ugu boorrisay inay dhiirrigeliyaan xidhiidhka ganacsi iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac, si xidhiidhka Somaliland iyo Kenya looga gudbiyo heerka saaxiibtinimo loona gaadhsiiyo iskaashi dhaqaale oo midho-dhal ah.

 

Marwo Farduus ayaa tidhi:

 

"Xildhibaanada sharafta leh ee Kenya, waxaan idinka rajaynayaa inaad door muhiim ah ka qaadataan xidhiidhka labada dhinac, gaar ahaan dhiirrigelinta ganacsiga iyo iskaashiga bulshada labada dal. Somaliland waxay idiin tahay meel fursado badan leh, Kenyana waa saaxiib iyo deris muhiim ah.”

 

Waxay intaas ku dartay in labada dhinac ay horyaallaan fursado waaweyn oo lagu dhisi karo iskaashi cusub oo ku salaysan ganacsi, maalgashi iyo xidhiidh bulsho, iyadoo xildhibaanada Kenya ka codsatay inay qaybtooda ka qaataan hirgelinta himiladaas.

     
Loading...