hadhwanaagnews
Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland qaramaynta ciidamada deegaanka, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo ay beeshu xasuusan doonto.
Suldaanka ayaa sheegay in qaramaynta 6,000 oo askari ay tahay arrin muhiim ah oo qayb ka qaadanaysa xoojinta amniga iyo qarannimada Somaliland.
"Waxa aan jeclahay in aan dadka xasuusiyo oo aan Madaxweynaha uga mahadnaqo. 6,000 oo askari ayaa la qarameeyey. Waxa aan jecelahay in aan kaaga mahadnaqo Madaxweyne, aniga oo ka wakiil ah beesha halkan fadhida. Waa sannad noo tilmaaman oo meel noogu qoran oo aannaan ilaabi doonin,” ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale.
Duco loo Diray Ciidamada La Qarammeeyey
Suldaanka ayaa sidoo kale duco iyo dardaaran u diray ciidamada la qarameeyey, isaga oo Alle uga baryey inay noqdaan ciidamo dalkooda iyo dadkooda anfaca.
"Ciidankaana waxa aan leeyahay kuwii dadkooda iyo dalkooda anfaca ee shaqadooda qabsada Alle ha ka dhigo,” ayuu yidhi Suldaanku.
Muhiimadda Qaramaynta Ciidamada
Qaramaynta ciidamada deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah xoojinta hay’adaha amniga iyo mideynta ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Masuuliyiin iyo qaybaha bulshada ayaa muddooyinkii u dambeeyey si weyn u soo dhaweeyey dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo dhismaha ciidamada qaranka Somaliland.