Wasaaradda Biyaha Somaliland oo si ku-meel-gaadh ah u joojisay shaqaalaysiinta cusub ee Wakaaladaha Biyaha

Monday August 10, 2026 - 13:47:38
hadhwanaagnews
Wasaaradda ayaa sheegtay in go'aanku qayb ka yahay dib-u-eegis



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa dhammaan Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha dalka ku wargeliyey in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyey qaadashada iyo shaqaalaysiinta shaqaale cusub.

 

Go’aankan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Agoosto 2026, waxaana uu khuseeyaa dhammaan Wakaaladaha Biyaha ee dalka.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aanku qayb ka yahay dib-u-eegis iyo qiimayn lagu samaynayo baahiyaha shaqaale ee Wakaaladaha Biyaha, si loo hubiyo in shaqaalaysiintu ku salaysnaato baahida dhabta ah, qorshaha shaqo iyo hufnaanta adeegyada biyaha.

 

Dhammaan Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha ayaa lagu faray inay si buuxda u dhaqan-geliyaan go’aanka, isla markaana aanay samayn wax shaqaalaysiin cusub ah ilaa amar dambe oo Wasaaradda ka soo baxa.

     
Loading...