Guddoomiyaha Golaha Wakiillada: "Colaadda Awdal iyo Salel Degdeg ha Loo Gurmado"

Wednesday April 01, 2026 - 02:58:22
hadhwanaagnews
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreysa ay tahay:



Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo wajaho xaaladda colaadeed ee ka taagan gobollada Awdal iyo Salel, isagoo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay gurmad rasmi ah oo degdeg ah si loo xakameeyo xaaladda cakiran.


 

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreysa ay tahay:

 

Xabad-joojin degdeg ah

Bilaabista dadaallo nabadayn iyo dejin

In la sameeyo gacan ku qabasho toos ah oo lagu yareeyo saameynta colaadda

 

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:

"Colaaddani in loo gurmado ayay u baahan tahay oo degdeg loo baxo, gurmadkana waa xabad-joojin, nabadayn, dejin iyo gacan ku qabasho.”

 

Waxa uu intaas ku daray in marka xaaladda degto kadib la guda geli doono:

 

Baadhista sababaha colaadda

Dib-u-dejinta dadka ay waxyeelladu gaadhay

 

Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyey in waqtigan muhiimka ah ay lama huraan tahay in si degdeg ah xaaladda gacanta loogu qabto, si looga hortago sii fida colaadda loona xaqiijiyo nabad waarta.

     
Loading...