Wasaaradda Maaliyadda Dardar-Gelisay Wadashaqaynta Sharci ee Horumarinta Dhaqaalaha

Saturday October 18, 2025 - 14:47:40
hadhwanaagnews
In madaxda waaxyaha shuruucda ee hay'adaha dawladda



Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo is-waafajinta sharci ee hay’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha, taas oo fure u noqon karta horumar waara. Kulankii shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda, oo uu furay Agaasimaha Guud, waxa si gaar ah loogu lafo-guray caqabadaha sharci ee hortaagan Barnaamijka Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo. 


In madaxda waaxyaha shuruucda ee hay’adaha dawladda lagu casuumo kulan noocan ah waxay muujinaysaa in Somaliland ay garawsatay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn sharciyeed oo dhab ah, taas oo ah aasaaska kalsoonida maalgashiga, hufnaanta maaliyadeed, iyo maaraynta kheyraadka dalka.


Go’aanka lagu dhisay guddi-farsamo oo ka shaqeyna qiimaynta iyo dardargelinta qorshayaasha sharci waxay u baahan tahay in si dhab ah loo daba-galo. Guddigan waa in uu noqdaa mid leh awood, waayo-aragnimo iyo madax-bannaani farsamo oo uu ku hirgeliyo nidaam sharci oo u adeega himilada horumarineed ee dalka.

Sida muuqata, kulamadan ayaa noqon doona kuwo taxane ah, si loo helo hannaan sharci oo midaysan oo taageera koboca dhaqaalaha. Dadaallada wasaaradda Maaliyaddu waa kuwo dhiirrigelin leh, iyada oo ku tallaabsatay guulo la taaban karo.

 

     
Loading...