hadhwanaagnews
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa hoggaamin geesinimo leh iyo go’aan waddaniyadeed oo si dhab ah ugu hiilinaya shacabka. Go’aanka uu saxeexay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ee lagu dhimayo qiimaha korontada dalka, laguna jaangooyey 0.59 dollar halkii unit, laga bilaabo December 2025, ayaa ah mid wax weyn ka taraya horumarinta nolosha shacabka.
Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aankan, iyagoo u arkay ifafaale cusub oo horumar, rejo iyo daryeel bulsho ah. Tallaabadan ayaa muujinaysa sida xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay in ay yareyso culayska nolosha shacab ka, isla markaana ay kor u qaaddo adeegyada tamarta ee dalka si loo helo koronto jaban, tayo leh oo la isku halayn karo. Sidoo kale tallaabadan ayaa ah mid laguna dhiirrigelinayo koboca dhaqaalaha iyo maalgelinta gudaha maadaama ay Korontadu tahay laf-dhabarta horumarka.
Hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo dedaalka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uu hormood u yahay Wasiir Eng. Axmed Jaamac Barre ayaa tusaale u ah qorshe cad iyo in xukuumaddu ay dalka ku hoggaaminayso jihada saxda ah, taas oo lagu wajahayo horumarka tamar nadiif ah, jaban, laguna kalsoonaan karo, isla markaana kaalin weyn ka qaadata koboca dhaqaalaha bulshada JSL taas oo ah
guul muuqata oo ka tarjumaysa aragti fog iyo daacadnimo siyaasadeed.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuiryadda Somaliland, waxay markale caddeysay in ay u taagan tahay ilaalinta danta shacabka iyo in la dhiso mustaqbal tamareed oo dalka oo dhan ka hirgala. Go’aankan ayaa noqonaya mid dhaxal gal ah oo si toos ah u saamaynaya nolosha maalinlaha ah ee kumannaan qoys oo reer Somaliland ah.