Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo Ictiraafki kadib Ciidan wada noqday.

Sunday January 11, 2026 - 10:06:21
HADHWANAAGNEWS
Kamaba hadhine waan sii daba socday, wax yar kadib waxaabu

Caawa Abaara 9:30 Habeenimo aniga oo usoo socda Gurigayga oo ku yaala Xaafada Jigjiga yar ayaan si kadis ah Dariiq Madaw oo Gurigayga iyo Baska u dhaxaysa aniga oo Maraya ayaan si kadis ah ku arkay qof Alaab badan Xambaarsan oo Meel iga durugsan soo socda.

Anigoo Wuxuu qofkani Xambaarsan yahay iyo waxa uu yahay ayuu qofkii si kadis ah wado noo dhaxaysay uga laabtay waliba isagoo talaabo dheeraynaya, ana waaban ka daba laabay oo oo arkay qofku inuu nin yahay oo uu boorso Xambaarsan yahay, isla markaana uu laba bacood Gacmaha ku sito.

Kamaba hadhine waan sii daba socday, wax yar kadib waxaabu qabsaday telephone mise Af Ethiopian ayuu ku had layaaba. Dareen kale ayaan sii qaatay ba oo waaban u yeedhay (Waaryaa, Waar ninkow) isna talaabada ayuu hoosta kasii Xaday oo sii dheereeyay. Wadada waxa marayna labadayada oo kaliya balse dhinaca uu u socdo waxa kaga horeeya laami aanu waxoogaa u jirno.

Adigu waxaan soo daba socdaba ninkii waxan kusoo gaadhay meel dukaano ah oo iftiin ah. Waaban is hortaagay isagoo talaabada hoosta ka xadaya oo aan ku idhi "waar maxad ahayd?" Kuye "Aniga Ethiopian "."Tus shandada maxaad ku wadata". "Dharkaygii oo uskag ah Doobilahas ayaan gaynayaa". Intaanu hadalkii wadnay dhawr qof dukaanadii kasoo baxeen halkii ayaanu ku baadhnay shandadiisii iyo bacihiiba wixii ku jirayna siduu sheegayay ayay noqdeen. Waana iska fasaxnay ugu danbayn.

Hadaba waxa layaab igu noqotay markaan kala jeestay even xagii Gurigayga u dhaqaaqay ayan is arkayba anoo Kilometer soo lugeeyay kadib waxan is waydiiyay oo xilimaad ilaa halkan socotay.
Jawaabta aan naftayda ka helay ayaa noqotay " Waddinayad ayaa ku eryaysay".

Muwaadin Waa Muhiim inaynu dhamaanteen ka shaqayno Amaankeena, qof kastoow Police halkaaga ku ahaw.

Police kana waxaan leeyahay numbers ka aad shaaciseen 999 Fadlan ha shaqeeyaan si la idiin heli karo.
Allah Mahad leh.
Hamze Hazzan Muse.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...