hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshe ay dib gacanta Somaliland ugu soo celinayso maamulka hawada ee Somaliland oo uu sheegay in ay ka baxday wakhtiyadii xukuumadihii hore ay wadahadalada la fureen Soomaaliya.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, waxa kale oo uu sheegay in hawlaha maamulka hawadu ay yihiin arrimo farsamo oo u baahan shuruuc iyo taxadar, isla markaana xukuumaddu gacanta ku hayso. Wasiirku wuxuu ballan qaaday in duulimaadyada iyo socdaalka Somaliland lagu maamuli doono sharciyada dalka.
Wasiirka sidoo kale waxa uu sheegay in mawqifka Somaliand ay la wadaageen dhammaan dalalka dunida iyo hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha hawada ka shaqeeya. Waxaanu yidhi "Annaga xukuumadda Somaliland qorshaheedu waxa weeye in Hawada Somaliland lagu soo celiyo gacanta Somaliland, taas ayaan qorshaheedii wadnaa, dhammaan Qaramada Midoobey, Ekaawo, Ayaata, Maraykanka, Midowga Yurub, ka Afrika, Itoobiya, Taiwan, Imaaraadka Carabta, dhamaantood waxa aan la wadaagnay mawqifka Somaliland ee arrimaha hawada, waxa sidoo kale noo socda arrimo sharci oo aan kaga baxayno dhibaatada ay na galiyeen wadahadaladii hor eee Soomaaliya lala furay.”
Wasiirka ayaa farriin u direy shacabka Somaliland oo ugu baaqay in arrimahan oo u baahan sharci iyo taxadar badan oo ay hawsheeda wadaan-na aanay siyaasadayn. Waxaanu yidhi "Dadka Somaliland waxaan u sheegaynaa arrimaha noocan ah markay socdaan waa arrimo farsamo oo u baahan shuruuc iyo taxadar, waxaana jeclahay in arrimahaas laga daayo siyaasadaynta, xukuumadduna gacanta ayy ku haysaa waana laga shaqaynayaa. Waxaan idiin ballanqaadayaa in aanan ka shaqayn doonin sharci aan ahayn ka Somaliland ee duulimaadyada iyo socdaalka, cid kaste oo doonaysa inay taas khilaafto waxaan leeyahay idiin suurtogali mayso. Haddii hore Somaliland ilduuf uga dhacay maanta waxaan u taaganay in hawada Somaliland lagu soo celiyo gacanta Somaliland, halkana ma jirto cid ka talisa oo aan Somaliland ahayn, mana jirto awood ay ku leedahay Soomaaliya”