Arrintan waxa lagu fasiri karaa:
Waa maqaal iyo Diraasad ka hadlaaya Mustaqbalka aduunka iyo qorshaha dalka Maraykanka iyo waxa caalamku u ekaandoono Mustaqbalka iyo waxa soo socda, kol hadii uu dalka Maraykanka sharci jebin ku sameeyay sharciyadii caalamiga ahaa ee dunida kala xadaynaayay ee isagu ilaalintooda ka masuul ahaa mudo dheer.
Kol hadii Madaxweynaha dalka Maraykanka D.trump uu jebinaayo ula kac ,
Iyo in uu la kulmo madax caalamiya oo maxkamada aduunka ee denbiya ku xukuntay in ay yihiin denbiilayaal dagaal oo caalamiya sida Madaxweynaha dalka Russia Putin iyo Ra'iisal wasaaraha dalka israa'iil Nitanyaahuu.
Oo uu labadoodaba la kulmay. Kuwaas oo xuquuqdii banii adanimo xasuuqyo u gaystay .
Jebinta sharcigii maxkamada aduunka waa denbi weyn oo wax loo dhigaa aanay jirin oo burbur iyo ixtiraam daro u horseedaaya beesha caalamka oo dhan .
1- Jebinta Sharciga Caalamiga ah iyo Saameynta Siyaasadeed iyo qorshe la'aan siyaasad qoto dheer leh ah ama siyaasad faa'iido leh ah.
2- Awoodda Xoogga oo Bedesha Xeerarka iyo sharciyada caalamiga ah oo aan siyaasad ku salaysnayn:
3- Madaxbannaanida Dalalka iyo Mustaqbalka Qarannimada dalalka Dunida oo Madaxweyne D.Trump uu ku dhawaaqay oo ku hanjabay in uu dalal madax banaan uu qabsan doono .
4- Ururrada Caalamiga ah (UN iyo kuwa kale) Maxaa Laga Yeelayaa , kol hadii madaxweyne D.trump oo aan u arkayn in ay wada metelaan maslaxada dalka maraykanka oo qudha?
5- Tacriifada Cashuuraha iyo Cunaqabateynta Ganacsiga ee dalka Maraykanka kula dhaqmay dunida inteedii kale .
Madaxweyne Donald Trump intii uu xilka hayay wuxuu qaaday olole uu ku soo rogay cashuuraha sare (tariffs) badeecadaha ka imanayay dalal kala duwan, gaar ahaan Shiinaha, Midowga Yurub, Mexico iyo Canada iyo Africa.
Tani waxay ahayd mid ka soo horjeedda qawaaniintii iyo heshiisyadii ganacsiga caalamiga ahaa ee WTO, kuwaas oo dhigayay in tartanka ganacsi ee xorta ah la ilaaliyo.
Cashuurahani waxay ahaayeen xeelad siyaasadeed iyo cadaadis dhaqaale, si uu Maraykanku ugu muquuniyo dalalka kale, uguna qasbo inay aqbalaan heshiisyo cusub oo uu isagu qoro oo xoog ku salaysan.
Waxaa dhacday in dalal badan ay ku adkaatay inay suuqa Maraykanka badeecado u diraan, taas oo dhaawacday dhaqaalahooda iyo ganacsigooda.
Arrintan waxa lagu fasiri karaa:
1- Xoog sheegasho dhaqaale: Maraykanku wuxuu adeegsaday awoodiisa suuqa si uu ugu cadaadiyo dalalka kale.
2- Jebinta sharciyada caalamiga ah WTO iyo heshiisyadii caalamiga ah ayaa noqday kuwo aan wax saamayn ah ku lahayn caalamka oo aan ka shaqeynaynin, maadaama dalkii ugu awoodda weynaa uu jebiyay sharciyadii caalamiga aha ee uu intooda badan isagu dhigay.
3- Cunaqabatayn aan sharci ahayn: Cashuuraha loo adeegsaday sidii hub siyaasadeed ayaa ka dhigan in Maraykanku doonayay inuu sameeyo nidaam cusub oo uu isagu hoggaamiyo oo aan sharci ku dhisnayn iyi sinaan ee uu nidaam xoog ku dhisan uu ku adeeganaayo .
*Saameynta Mustaqbalka:
Dalalka kale waxay bilaabeen inay sameeyaan iskaashi kale oo dhaqaale sameeyaan oo sameystaan
(sida Shiinaha iyo Russia india oo isku dhawaadaan iyo Bariga fog ee Asiya
7 tigers iyo prexit ).
Waxaa suurtagal ah in dunidu u kala qaybsanto laba nidaam oo dhaqaale oo kala madax
-bannaan, taas oo dhaawici karta isku xidhnaanta ganacsiga caalamka.
Tani waxay caddeyn u tahay in "xoogga dhaqaale" uu bedelay "sharciga caalamiga ah MadaxweynahadalkaMareykanka D.Trump".
6- Dhibaatooyinka Dhaqaale iyo Ganacsi:
( balse qorshaha cashuuraha ayaa tusaale cad u noqday in dhaqaalaha loo adeegsado hub siyaasadeed iyo boob kheyraadka umadaha kale).
7- Mustaqbalka Dunida: Laba Waji oo Suurtagal ah ,
In ay dunidu kala noqoto laba qeybood oo u heshiiso dalka Maraykanka iyo dunida inteeda kale.
8- Gunaanad iyo Su’aalaha Mustaqbalka:
Dunida waxa wada qasaaya nin ganacsato ah oo dhiig miirato ah oo ganacsato taajir ah oo aan siyaasad iyo mustaqbal dan ka lahayn ee qorshihiisu uu ku egyahay ( maanta imisaan macaashaa?) Waa kaas miisaanka siyaasadeed ee madaxweyne D.trump , dunida maanta ku eegayaa ee doonayaa in uu ku maamulo.
*Gabagabo
Haddii sharciyadii caalamiga ah la jebiyo, oo awood dhaqaale iyo ciidan keliya lagu kala xukumo, dunida waxay ku socotaa fowdo iyo is muquunin joogto ah. Xeeldheerayaasha waxay isweydiiyaan:
Ma jiri doontaa nidaam cusub oo ganacsi oo ka madax-bannaan Maraykanka D.trump iyo reer galbeedka?
Mise dunidu waxay u kala qaybsami doontaa laba caalam (West iyo East) oo mid kastaa sharciyo iyo nidaam u gaar ah samaysto? Oo dunida inteeda kale lavadaas nidaam kala gumeystaan ?
Waa gumeysiga cusub ee xooga ku dhisan
Hadaba hadii aan madaxweyne D.trump dunida iyo siyaasada caalamka laga qaban ,
Wuu burburinayaa dalkii Maraykanka iyo aduunkaba iyo siyaasadihii ay ku soo wada dhaqmayeen ee dunidu kaga badbaaday dagaalada iyo isu awood sheegashada cad iyo in uu burburiyo hay adihii dawliga ahaa iyo sharciyadii caalamku wada ixtiraamaysay iyo wada noolaanshihii dawladaha dunida .
(Maanta maxaan dolar ja faa'iidaa dunidu kuma wada shaqeyn karayso?)
Halkee Madaxweyne D.trump dunida u jiheeyay ee ku socotaa maanta iyo qorshayaashiisa cusubi?
Ma sii socon karayaan oo dunidu ma ka aqbalaysaa? Mise way ka wada tashanaysaa?
Su’aasha ugu weyn weli waa:
Xeer
(sharci) mise Xoog?
Qalinkii :
Cali Biixi