Minaasibada furitaanka tartankan waxa goobjoog...
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Mudane Axmed-yaasin Maxamed Faarax, ayaa sirasmiya u furey tartanka feedhka miisaanka dhexe 70- kg iyo 77-kg, kaas oo dhexmarey degmooyinka 26-ka Juun iyo Gacmo-dheere .
Minaasibada furitaanka tartankan waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka Feedhka Mudane Cabdirisaaq Faysal Ciise , agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Mudane Jamaaal Cabdi Axmed, la taliyaasha wasiirka Khadar Jiilal Jaamac iyo Mudane Cumar Xuseen Mire.
Wasiir Axmed-yaasin, ayaa sheegay in tartankani u mudnaan u leeyahay horumarinta ciyaaraha, kor u qaadista xirfadda dhalinyarada iyo dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada ee magaalada.
Sidoo kale wasiirku waxa uu u mahadnaqey dhammaan guddiyada degmooyinka, ururada isboortiga, iyo ciyaartoyda ka qaybgalaya tartanka, isaga oo ku booriyay in tartanku u dhaco si nabadgalyo, is-ixtiraam, iyo kalsooni ku dhisantahay.