Wasiirka Beeraha JSL oo Qalab Ku Wareejiyay Beeraleyda Degaanka Gobolka Saaxil

Monday October 13, 2025 - 10:39:17
hadhwanaagnews
Wasiirka Beeraha Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad si rasmi ah loogu wareejinayey qalab beereed 50 qoys oo beeralay ah oo ka kala socday Berbera, Laas-Ciidle, Madheera iyo deegaano kale oo hoos yimaada gobolka Saaxil.

Munaasibadda oo lagu qabtay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka, Mudane Maxamed Cabdale Gaafane, Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, madax ka socotay Safaaradda Turkiga ee Somaliland iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo heer qaran ah.

Wasiirka Beeraha Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beeralayda fursadda heshay inay si hufan uga faa’iidaystaan qalabka la siiyay, isaga oo xusay in qalabkani yahay mid deeq ah oo aan weli la gaadhsiin gobollada kale ee dalka.

"Waxaan idinka rajaynayaa inaad ka faa’iidaysaan qalabkan, waana nasiib ay gobollada kale wali sugi doonaan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Cige Yuusuf, isaga oo intaas ku daray in wasaaraddu ku hawlan tahay sidii gobollada kale ee dalka loo gaadhsiin lahaa qalab beereed casri ah.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Mudane Maxamed Cabdale Gaafane, ayaa u mahadceliyey hay’adda TiKA ee dalka Turkiga, taas oo qalabkan ugu deeqday beeralayda gobolka, waxanu beeralayda ku dhiirrigeliyey inay ka dhabeeyaan ujeeddadii qalabka loo siiyey.

Sidoo kale, Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Saaxil ayaa faahfaahin ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay qalabka beeralayda la siiyey, isagoo sheegay in uu ka mid yahay igiin, tuubo 100 mitir ah, bam lagu buufiyo, shidaal iyo saliid, iyo qalabkii kale ee gacanta lagaga shaqaynayey beeraha.

Gabagabadii, qaar ka mid ah beeralayda qalabka la siiyey oo dareenkooda ka hadlay ayaa ballanqaaday inay qalabkaas uga faa’iidaysan doonaan si waafaqsan ujeeddada loogu talagalay, isla markaana ay kor u qaadi doonaan wax-soosaarkooda beeraha.

 

     
Loading...