Wasiir Yoonis waxa uu sheegay in madaxweynaha JSL, ...
Wasiirka wasaaradda horumarinta cadaalada JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in Qareennadu tiir weyn ka yihiin waaxda cadaalada, isla markaana ay u baahan in la kobciyo, dhiirigeliyo oo garab-istaagna loo muujiyo.
Wasiirku waxa uu caddeeyay in ka xukuumad ahaan ay ka go'an tahay inay dhiirigeliyaan Garyaqaanada iyo guud ahaan Qaraneeda, waxa uu intaas ku daray in doorasho xor iyo xaalaa uu u rajeynayo iyo wanaag.
Sidoo kale waxa uu siweyn ugu mahadceliyay guddida qabanqaabada shirweynaha Qareennada Somaliland, oo uu tilmaamay inay agaasinkiisa xil weyn iska saareen, waxaanu hoosta ka xariiqeyn in mudadii koobneyd ee ay joogeen ay hawl balaadhan qabteen.
Wasiirka ayaa bulshada ku baraarujiyay inay sharciga barteen si ay xuquuqdooda u difaacaan xaqooda dowladnimana ay u raadsadaan, si iyaguna aanay waxba u dulmin loona dulmin, waxa uu intaas raaciyay in ay ka go'an tahay in la helo xarunt ururka Qareennada dalku yalan doono.
Wasiir Yoonis waxa uu sheegay in madaxweynaha JSL, ay ka go'an tahay in sharcigu sareeyo.
Waxaanu yidhi. "Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa ka go'an in sharcigu sareeyo iyo in aanu Xukuumad ahaan sharciga ku dhaqano, garsoorkuna wuu naga madaxbannaan yahay oo wax farogelin ah kuma samaynayno, laakiin in caddaaladda guud ee dalka Xukuumadda ayaa ka masuul ah"
Gaba-gabadii wasiirku waxa uu sheegay in xeerka Kaalmo sharci ee horyaala uu rajjo weyn ka qabo in golaha wasiiraddu ay meel mariyaan, isla markaana 34 sano kadib ay Somaliland yeelan doonto xeerkaasi, waxaanu hoosta ka xariiqeyn in dadka danyarta ah ee suuqa jooga uu kaalin mug iyo miisaanle ka qaadan doono difaacooda.