Somaliland Albaabka Laga Galo Badda Cas: Jasiirad Xasilloon oo ku Dhex Taalla Bad-weyn Siyaasadeed

Saturday August 02, 2025 - 11:37:12
hadhwanaagnews
Warbaahintu waxay sidoo kale sheegtay in Somaliland ay caalamka




Warbixin caalami ah oo ay daabacday warbaahinta Al-Mayadeen Englishayaa Somaliland ku tilmaantay jasiirad xasilloon oo ku dhex taalla badweyn siyaasadeed. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay si isa soo taraysa u kasbanayso xiisaha quwadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, sida Maraykanka. Waxay sidoo kale tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ku dhex taalla Geeska Afrika oo ah mandaqad ay hadheeyeen qalalaase siyaasadeed, falal argagixiso iyo colaado baahsan. Haddana Jamhuurdiyadda Somaliland ay astaan u noqotay, xasillooni siyaasadeed, dimuqraadiyad firfircoon iyo xukuumad ku dhisan maamul-wanaag. Taasina ay tahay sababta ka dhigtay meel gaar u ah degganaansho iyo dawladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Istaraatijiyadda Juqraafiyeed ee Somaliland:

Warbaahintu waxay sidoo kale sheegtay in Somaliland ay caalamka u leedahay muhiimad istaraatiiji ah, maadaama oo ay leedahay xeeb aad u ballaadhan oo dhererkeedu yahay 460 km. Xeebtaasi oo si toos ah ugu fidsan Gacanka Cadmeed, una dhow marinka muhiimka ah eeBab al-Mandabkaas oo ah albaabka laga galo Badda Cas. Isla markaana ah marin istaraatiiji ah oo ay maraan saddex meeloodow meel maraakiibta ganacsiga caalamku.

Amniga Badda iyo Khataraha Gobolka:

Warbixintu waxay iftiimisay in xiisaha iyo muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ay xoojinayaan hanjabaadaha joogtada ah ee Budhcad-badeedda, tahriibinta hubka sharci darrada ah iyo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta. Arrimahaas oo dhammaantood muujinaya muhiimadda Somaliland u leedahay ammaanka badda iyo badbaadinta marinnada ganacsiga caalamka.

Maraykanka iyo Xiisaha Cusub:

Sidoo kale, warnixinta ayaa xustay in waddamada reer Galbeedka, gaar ahaanMaraykankuay u arkaan Somaliland fursad istaraatiji ah. Inkasta oo aan si buuxda loo shaacin, balse ay haddana muuqato xiise cusub oo ku wajahan iskaashi dhinacyo badan leh, iyada oo quwadaha waaweyni ay u baratamayaa iskaashiga Somaliland oo ah dal curdin ah, balse leh Awood dhaqaale, qiime istaraatiji ah iyo fursado waaweyn oo ka muhiimsan qaar ka mid ah waddamada la aqoonsan yahay ee dunida.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay in nidaamka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta kala dambayntu ay si weyn kor ugu qaadeen sumcadda Somaliland. Taas oo keentay in ay kasbato xiisaha quwadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, kuwaas oo u arka Somaliland fursad cusub oo istaraatiji ah, kaalin weyna ka qaadan karta xoojinta xasilloonida gobolka.

     
Loading...