Caynaba: Shirka Wada-tashiga Horumarinta ee Mustaqbalka Dhalinyaradda Somaliland

Wednesday September 24, 2025 - 13:35:30
hadhwanaagnews
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay u baahan tahay



Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Maxamed Faraax, ayaa shalay si rasmi ah uga daah-furay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar shir muhiim ah oo lagu qiimaynayo baahiyaha iyo mudnaanta dhallinyarada iyo ciyaaraha. Shirkaasi oo ah mid wadatashi ah ayaa ujeeddadiisu tahay in si qoto dheer loo fahmo duruufaha, fursadaha, rajada, iyo horumarka ay dhallinyaradu u baahan yihiin, si qorshe-qaran oo waxtar leh loogu saleeyo horumarinta adeegyada la xidhiidha horumarinta dhalinyarada Somalilnad.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay u baahan tahay siyaasad cad oo loo dhan yahay oo ku wajahan kobcinta dhallinyarada, kuwaas oo ah qaybta ugu tirada badan uguna firfircoon ee bulshada. Iyada oo ay muhiim tahay in la dhagaysto codka dhallinyarada, lana fahmo baahiyahooda kala duwan, taas oo ah dhabbaha kaliya ee lagu gaadhi karo bulsho horumarsan, nabad ah, islamarkaana leh mustaqbal ifaya.

Shirka Caynaba waxa uu astaan u yahay nidaam dawladnimo oo doonaya in uu dhiso siyaasad iyo qorshe wax ku ool ah oo ka soo bilaabma heerka hoose iyo gaar ahaan dhallinyarada, oo ay waajib tahay in ay si toos ah uga qaybgalayaan hoggaaminta iyo qorshayaashsa horumarineed ee mustaqbalkooda. Tani waa dhaqan dawladnimo oo mudan in lagu daydo lagana dhigo hab-raac rasmi ah.

Dhallinyarada Somaliland waxa ay u baahan yihiin in loo abuuro fursado ay ku kobciyaan xirfadooda, caafimaadkooda maskaxeed iyo jidheed, waxbarashadooda, iyo awooddooda dhaqaale. Sidoo kale, ciyaaraha oo ah aalad muhiim ah oo lagu horumariyo midnimada, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada, waxay mudan yihiin in si gaar ah loo xoojiyo kaabeyaasha iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay qaaday tallaabo wanaagsan oo horumarineed, isla markaana guul u ah horumarinta dhalinyarada JSL, iyada oo wasaaradda ay ka go’antahay in talooyinka kasoo baxa shirkaasi loo beddelo ficil, isla markaana loo fuliyo si daah-furan.

Kormeerka Wasiirka ee Garoonka Caynaba:

Dhinca kale, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Maxhamed Faraax, ayaa isla shalay subax kormeer ku sameeyay garoonka kubadda cagta ee magaalada Caynaba, xarunta gobolka Saraar. Kormeerkan oo ku soo beegmay xilli uu halkaas ka furay shir wadatashi ah oo ku saabsan baahiyaha dhallinyarada, ayaa ah mid muujinaya sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha ciyaaraha ee gobollada dalka.

Garoomada ciyaaruhu waa laf-dhabarta horumarka ciyaaraha iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada. In wasiirku booqdo goobaha dhabta ah ee ay ciyaartoydu ku tababartaan ama ku ciyaaraan, waa tallaabo muujinaysa maamulka u jeeda baahiyaha dhabta ah ee dhallinyarada. Waxa kale oo ay calaamad u tahay in siyaasadda horumarinta dhallinyaradu aanay ku ekaan xafiisyada iyo waraaqaha, balse loo baahan yahay in loo dhaadhaco durufuuhahooda hoose, si dhab ahna loo eego xaaladda goobaha muhiimka u ah nolosha iyo koboca jiilka cusub.

     
Loading...