Gaashaanle sare Mahad Shaqale oo wxaa uu sheegay
Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in amniga guud ee magaalada Hargaysa saaka yahay mid degan oo aanay jirin shacab abaabulan oo wadda mudaharaad.
Gaashaanle sare Mahad Shaqale oo wxaa uu sheegay in garoonka kubada cagta e Xawaadle ay kaliya ku sugan yihiin Ciidanka Booliska Somaliland, waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin cid garoonka ka dhigi karta mudaharaad.
"garoonkii xawaadle ee lagu Bu,aayey in lagu qabto shir wayn annagaa joogna, wax mudaharaad ah oo ka dhici karaana ma jiraan, ma jiraan wax iskugu imaan karaa, ciidanka Boolisku nabad-galyada ayey sugayaan”ayuu yidhi Tiliye Mahad.