hadhwanaagnews

Siyaasi Maxamed Muraad ayaa si qiiro leh uga hadlay caqabado uu kala kulmayo isku dhex-yaaca siyaasadda iyo xiriirka qaraabonimo, isaga oo sheegay in ay ku adkaatay inuu kala saaro labadan arrimood.
Waxa uu tilmaamay in mar kasta oo uu ka hadlo xisbi ama arrimo dawlad, lagu eedeeyo inuu cuqdad u qabo ehelkiisa, gaar ahaan abtiyaashiis.
"Waxa aan kala saari kari la’ahay siyaasaddii aanu ka shaqaynaynay iyo abtiyaashay. Haddii aan xisbi ka hadlo ama aan dawlad ka hadlaba waxaa la odhanayaa abtiyashii ayuu necebyahay oo uu cuqdad ka qabaa," ayuu yidhi.
Siyaasigu waxa uu caddeeyay inuu jecel yahay qoyskiisa, balse uu wajahayo cadaadis ka imanaya isku milanka siyaasadda iyo dareenka qoyska, taas oo caqabad ku noqotay shaqadiisa.
"Abtiyaday waan jecelahay, imika in aan siyaasadda iskaga baxo oo aan wax kasta iska dhigo oo aan Xajka iyo Xaramka iska qabto mooyaane si kale ma jirto," ayuu raaciyay.
Hadalka Maxamed Muraad ayaa iftiiminaya caqabadaha ka jira bulshada dhexdeeda ee la xidhiidha isku milanka siyaasadda iyo qaraabada, taas oo mararka qaar keenta in la is fahmi waayo ama eedeynno la isku jeediyo.