DEG DEG Wasiirka Madaxtooyadda oo Haldoor Kala Duwan La Qaatay Farxadda Maalinta 3aad ee Ciidda

Monday March 23, 2026 - 20:52:34
HADHWANAAGNEWS
Intii uu kulanku socday, waxa la isla qaatay muhiimadda ay leeyihiin...



Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa farxadda maalinta saddexaad ee Ciidul-Fidriga la qaatay haldoor kala duwan oo isugu jiray masuuliyiin xukuumadeed, aqoonyahanno, saxafiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.


 

Kulankan oo ahaa mid is-xogwaraysi iyo is-dhexgal bulsho, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud.


 

Intii uu kulanku socday, waxa la isla qaatay muhiimadda ay leeyihiin kulamada noocan oo kale ahi, kuwaas oo xoojiya wada-xidhiidhka bulshada, iskaashiga iyo danta guud ee qaranka.


 

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada bulshada iyo wada shaqaynta qaybaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan xilliyada farxadda leh ee ciidaha.

     
Loading...