DEG DEG Wasaaradda Dib-u-dejinta oo Xilalka Maaliyadda si Rasmi ah Loogu Kala Wareejiyay

Monday March 23, 2026 - 20:42:49
HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay masuuliyiintii hore kaalintii

May be an image of one or more people, dais, newsroom and text


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo), ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay masuuliyiintii hore iyo kuwa cusub ee Waaxda Maaliyadda iyo Xisaabaadka.


 

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda ayaa u dhacday si habsami leh, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda. Intii ay socotay, waxa si rasmi ah loo gudbiyay dukumentiyada iyo hawlihii shaqo, si loo hubiyo sii socoshada nidaamka iyo waajibaadka shaqo.


 

Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay masuuliyiintii hore kaalintii ay ka qaateen hufnaanta iyo horumarinta maaliyadda, isaga oo sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay masuuliyiinta cusub.


 

Waxa uu ku adkeeyay masuuliyiinta cusub inay muujiyaan daacadnimo, karti iyo isla xisaabtan, isla markaana ay sii xoojiyaan hawlaha shaqo ee waaxda.


 

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa labada dhinac kula dardaarmay wada-shaqayn joogto ah, si loo gaadho horumar muuqda, halka uu shaqaalaha wasaaraddana ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka cusub.


 

Ugu dambayn, waxa uu Alle uga baryay masuuliyiinta cusub inuu u fududeeyo waajibaadkooda, kuna guuleeyo shaqada loo igmaday.

     
Loading...