hadhwanaagnews

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka sarreysay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti qiimayn ku saabsan xorriyadda hadalka oo ay samaysay hay’adda caalamiga ah ee Freedom House sannadkii 2025.
Warbixintan ayaa muujinaysa in Somaliland ay gaadhay heer ka wanaagsan dalalka deriska ah marka la eego xorriyadda warbaahinta, hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta, taas oo ka tarjumaysa horumar laga sameeyay dhinaca dimuqraadiyadda.
Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka Itoobiya uu isna sameeyay kor u kac marka la eego qiimaynta xorriyadda hadalka, inkasta oo weli ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.
Natiijadan ayaa muujinaysa in Somaliland ay sii xoojinayso sumcaddeeda ku aaddan xorriyadda hadalka iyo nidaamka dimuqraadiyadeed, taas oo muhiim u ah horumarka siyaasadeed iyo midka bulshada.