hadhwanaagnews
Haddii xaaladda Bariga Dhexe sii xumaato, waxa hubaal ah in saamaynta ugu horreysa ay ku dhacdo dalalka sida Somaliland oo gebi ahaanba ku tiirsan shidaal iyo cunto dibadda laga keeno.
Tallaabada ay xukuumaddu ku xakamaysay qiimaha shidaalku waa mid mudan in la bogaadiyo, balse ma aha xal waara oo ka hortagi kara dhibaatada soo socota.
Dhibaatadu ma aha oo keliya qiimo kordhin, balse waa nuglaanshaha dhaqaale ee dalkeenna. Somaliland weli ma laha keyd qaran oo shidaal iyo cunto ah, mana jirto qorshe cad oo lagaga hortago xaaladaha degdegga ah ee caalamka ka dhasha. Haddii dagaalladu sii socdaan, waxaa suurtagal ah in sahayda shidaalka iyo cuntadu yaraato, taas oo si toos ah u saameyn doonta nolosha bulshada.
Waxa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa ficil degdeg ah oo aan qorshaysnayn, loona gudbi lahaa istaraatiijiyad qaran oo dhab ah. Dalalka kale waxay leeyihiin keydyo istaraatiiji ah, waxayna si degdeg ah u yareeyaan isticmaalka tamarta marka xaalado noocan ahi dhacaan. Hase yeeshee, innagu weli waxaan ku jirnaa xaalad aan xafiisyada dowladdu xitaa ka damin karin laydhka maalintii cadceeddu jirto, halka qaboojiyeyaasha korontada badan cuna ay si joogto ah u shaqeeyaan.
Su’aashu waxay tahay: goormaynu baranaynaa inaan ka dayanno waxa wanaagsan ee dalalka kale sameeyaan?
Waxaa lagama maarmaan ah in:
La sameeyo keyd qaran oo shidaal iyo cunto ah
La dhiirrigeliyo isticmaalka tamarta qorraxda
La yareeyo isticmaalka aan daruuriga ahayn ee shidaalka iyo korontada
La abuuro qorshe qaran oo degdeg ah (emergency preparedness plan)
Haddii aynaan maanta qorshayn, berri waxa aynu la kulmi doonnaa xaalad aynaan xakamayn karin.
Ugu dambayn, Somaliland waxay u baahan tahay in ay ka gudubto dhaqanka ah "wax dhac markaas la falceliyo”, una gudubto nidaam qorshaysan oo mustaqbalka fog ka fikira. Taasi waa jidka keliya ee aynu kaga badbaadi karno qalalaasaha caalamiga ah ee soo noqnoqda.