Madaxweyne Cirro: "War Farxad Leh Ayaa Somaliland U Soo Socda"

Sunday March 22, 2026 - 12:13:07
hadhwanaagnews
Maalmihii u dambeeyay, waxa soo baxayay warar aan weli..

No photo description available.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay sugayso war weyn oo farxad leh oo dhowaan la filayo inuu soo baxo.


 

Madaxweynuhu ma faahfaahin waxa uu yahay warkaasi, hase yeeshee hadalkiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.


 

Maalmihii u dambeeyay, waxa soo baxayay warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in Somaliland ay heli karto dal labaad oo aqbala doodeeda isla markaana aqoonsada.


 

Haddii arrintani rumoowdo, waxay noqon kartaa isbeddel muhiim ah oo ku yimaadda siyaasadda Somaliland, isla markaana sare u qaadi karta rajada aqoonsi caalami ah.


 

Si kastaba ha ahaatee, weli lama hayo xaqiijin rasmi ah, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxda xukuumadda.

     
Loading...