Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa magaalada Brussels kula kulmay Xubno ka mid ah Xildhibaanada Midowga Yurub ugu jira Dalka Holland.

Thursday September 25, 2025 - 15:17:32
hadhwanaagnews
Xildhibaanadan ooo xidhiidh la leh Madaxweynaha Maraykanka

Xildhibaano ka socda Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo beryahan hawlo shaqo u joogay magaalada Brussels ayaa shalay gelinkii danbe kulan muhiim ah la yeeshay Xildhibaanada kala ah Sebastian Stoteler MEP iyo Xildhibaan Marieke Roos MEP oo ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub lagana soo doorto Dalka Holland.

Waxa labada dhinac ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u caawin lahaa Laamaha Socdaalka Somaliland dhinaca Qalabka, Keydinta xogta, Arrimaha Qaxootiga tirada badan ee ku sugan Dalka Somaliland.

Waxa kale oo ay si qoto dheer uga wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan uga geysan lahaa shaqo abuurka dhalinyarada taasoo yarayn karta tahriibka.

Xildhibaanadan ooo xidhiidh la leh Madaxweynaha Maraykanka ayaa ballan qaaday inay Somaliland kala shaqayn doonaan arrimo badan.

Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jamahuuriyada Somaliland ee kulankan ka qayb galay waxay kala ahaayeen;

Xildhibaan Cali Xaamuud Jibrriil MP. (Deputy Speaker)
Xildhibaan Barkhad Jama Batun. MP
Xildhibaan Hassan Ahmed Elmi. MP
Xildhibaan Hussein Adam Abdi. MP

Waxaana kulanka ku wehelinayay Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee Midowga Yurub Ambassador Kaysar Cabdillaahi Maxamed.
 
 
 
 
 
 
     
Loading...