Xukuumadda Somaliland oo Mar Kale Muujisay Miisaankeedda Siyaasadeed ee Mandaqada

Saturday July 19, 2025 - 12:31:01
hadhwanaagnews
Waxa uu Madaxweynuhu Danjiraha Switzerland u xaqiijiyey



Kulankii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), la yeeshay Danjiraha dalka Switzerland ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire Mirko Giulietti ayaa muujinaya tallaabo hor leh oo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo garashada beesha caalamka ee xaqiiqada ka jirta dalka.

Kulanka oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxa si weyn diiradda loogu saaray arrimaha nabadda, xasilloonida mandaqadda Geeska Afrika, iyo dedaallada Somaliland ay waddo ee ku aaddan dawlad-wanaagga, horumarinta qaranimada iyo wada-noolaanshaha bulshada. Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyey in Somalilanday ay si madax-bannaan u fulisay hawlo amni oo saamayn ku leh mandaqada iyo caalamka ba, tallaabooyin siyaasadeed oo wax ku ool ah, isla markaana ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo mudan in la tixgeliyo.

Waxa uu Madaxweynuhu Danjiraha Switzerland u xaqiijiyey sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay ilaalinta nabadda gudaha, gaar ahaan gobollada Bariga Somaliland iyo u diyaargarowga xasilinta ciidamada madaniga ah oo aan wax gargaar ah ka helin cid kale. Tani waa tusaale cad oo muujinaya awoodda iyo kartida Somaliland u leedahay inay isku filnaato dhinac kasta oo la xihiidha horumarka iyo dhismaha dawladda dimuquraadiga ah.

Danjiraha Switzerland ayaa dhinaciisa, waxa uu muujiyey taageero diblomaasiyadeed oo muhiim ah. Waxa uu bogaadiyey xasilloonida Somaliland, isagoo tilmaamay in ay tahay lama huraan in la dhiirrigeliyo horumarka baaxadda leh ee ka socda Somaliland. Ballanqaadkiisa ku wajahan in uu Dawladdiisa Switzerland u bandhigayo fursadaha ay kaga qeyb qaadan karto dedaallada Somaliland ee nabadaynta, wuxuu noqon karaa albaab cusub oo iskaashi caalami ah.

Kulankan ayaa ah farriin cad oo muujinaysa in Somaliland diyaar u tahay wada-shaqayn wax ku ool ah oo caalami ah, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo danaha qaran. Waxa uu sidoo kale muujinayaa in diblomaasiyadda Somaliland ay si tartiib ah u kasbanayso tixgelin sare oo laga muujinayo qaar ka mid ah dawladaha reer Yurub iyo waddamada kale ee reer galbeedka ah, xilli ay dalal badan oo Afrikaan ahi la tacaalayaan colaado iyo kala-dambayn la’aan.

Somaliland waxay markan u muuqatay dal leh aragti diblomaasiyadeed oo deggan, isla markaana leh hoggaan siyaasadeed oo u taagan mas’uuliyad iyo dal si dhab ah uga shaqeynaya nabad, dimuqraadiyad iyo horumar waara. Waqtigu wuxuu markhaati ka noqonayaa in beesha caalamku si tartiib ah u ogaanayso xaqiiqada ka jirta Somaliland.

     
Loading...