Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Kulan la Qaatay Isu-duwayaasha Gobollada

Sunday March 01, 2026 - 08:34:01
HADHWANAAGNEWS
Laba jibbaaraan dedaalkooda shaqo



Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay isu-duwayaasha Wasaaradda ee gobollada dalka, si loo dardargeliyo hawlaha shaqo iyo isku-duwidda adeegyada diineed ee guud ahaan dalka.


 

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta hawlaha xafiisyada gobollada, si loo hubiyo in adeegyada diinta iyo awqaaftu ay noqdaan kuwo hufan, degdeg ah oo tayo leh, isla markaana gaadha dhammaan gobollada Somaliland.


 

Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Cabdalle Maxamed Yuusuf, kaas oo warbixin ka bixiyey hawlaha ay wasaaraddu waddo iyo qorshayaasha sanadka 2026.


 

Wasiirka ayaa ku adkeeyey isu-duwayaasha gobollada in ay:

 

Laba jibbaaraan dedaalkooda shaqo

 

Si dhow ula shaqeeyaan bulshada

 

Horumariyaan adeegyada diineed

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ku xoojinayso maamul-wanaagga, isla-xisaabtanka iyo tayada adeegyada diineed ee ay u hayso shacabka.

     
Loading...