Fadhigan Golaha Wasiirrada ayaa mar kale xaqiijinaya in Somaliland
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu gadhwadeenka ka hayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo guud ahaan Somaliland. Fadhigii shirka golaha wasiirrada JSL oo 06/08/2025 ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, ayaa lagaga dooday qodobo muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaya, kuwaas oo la xidhiidha horumarinta, daryeelka iyo amniga ummadda Somaliland, sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay xeer cusub oo kor loogu qaadayo helitaanka caddaaladda muwaadiniinta.
Tani waxay calaamad cad u tahay sida xukuumaddu ugy taagan tahay xaqiijinta sinnaanta, ilaalinta xuquuqda bulshada, iyo horumarinta nidaamka cadaaladda, taasoo muhiim u ah dhismaha dowladnimo hufan oo ku dhisan adeeg bulsho oo tayo leh. Waxaa sidoo kale fadhiga lagu muujiyay sida dowladda ay uga go’an tahay la dagaalanka caqabadaha kala duwan ee horyaalla dalka, iyadoo la adeegsanayo qorsheyaal istiraatiiji ah oo balaadhan oo ka tarjumaya himilooyinka horumarineed ee qaranka.
Fadhigan Golaha Wasiirrada ayaa mar kale xaqiijinaya in Somaliland ay ku tallaabsatay waddo horumarineed oo dhab ah, taasoo lagu dhisayo mustaqbal ifaya oo caddaalad iyo barwaaqo ku dhisan. Waxa uu ka tarjumayaa hannaan dawladnimo oo ku salaysan xog, aqoon, iyo isla xisaabtan, taasoo si dhab ah u muujinaysa in hogaaminta cusub ee dalka ay u heelan tahay in la abuuro nidaam dawladeed oo ka jawaabaya baahiyaha dhabta ah ee muwaadiniinta, una hoggaansan mabaadi’da maamul wanaagga, sinnaanta iyo hufnaanta.
Shirka waxa si rasmi ah loogu lafo-guray warbixino midho-dhal ah oo xambaarsanaa ajande qaran oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo xoojinaya haykalka dawladnimo ee ay xukuumaddu dejisay tan iyo markii ay xilka la wareegtay. Sidoo kale, warbixinno la taaban karo ayaa lagu soo bandhigay, kuwaas oo ay soo diyaariyeen dhowr wasaaradood oo ay ka mid yihiin:
Amniga Qaranka: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sheegay in xaaladda amniga guud ahaan dalka ay tahay mid deggan, iyadoo si gaar ah loo xusay amniga lixda gobol ee dalka. Waxaase la aqoonsaday in falal dambiyeedyo maalinle ah iyo shilal gaadiid ay weli caqabad yihiin.
Maaliyadda iyo Dakhliga: Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ayaa sheegay in dakhliga qaranku uu ku socdo sidii loo qorsheeyay, iyadoo la hirgeliyay nidaam maaliyadeed casri ah (FMIS) oo ka hawlgalaya wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, taasoo sare u qaadaysa hufnaanta maamulka maaliyadda.
Gurmadka Abaaraha: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa faahfaahiyay xaaladda abaaraha, isagoo tilmaamay in roobab ay ka da’een qaar ka mid ah gobollada galbeedka, kuwaas oo yareeyay dhibaatada biyo la’aanta, balse gobollada bari ay wali la daalaa dhacayaan biyo yari.
Dib-u-habaynta Nidaamyada Dawladda iyo E-Government: Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa soo bandhigay qorshayaasha lagu hagaajinayo nidaamyada maamulka ee wasaaradaha, iyadoo la sameeyay khubaro teknoolaji oo si gaar ah uga shaqeynaya horumarinta nidaamyada iyo sugidda amnigooda. Waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa dhismaha Xarunta Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center).
Horumarinta Caafimaadka: Wasiirka Caafimaadka ayaa ka digay shilalka gaadiidka oo ah sababta ugu weyn ee dhimashada dadka, isla markaana sheegay inay jirto baahi loo qabo in la sameeyo qorshe qaran oo lagu xakamaynayo dhibaatadan.
Duulista Hawada iyo Madaaradda: Wasiirka Duulista Hawada ayaa faahfaahiyay horumarka wasaaraddiisu samaysay, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta maamul, tababarka shaqaalaha, dhismaha terminal cusub, iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ku leedahay hay’adaha diyaaradaha iyo duulimaadyada.
Bogaadin iyo Himilooyin Cusub
Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah u bogaadiyay lix wasaaradood ee soo gudbiyay waxqabadkoodii lixdii bilood ee ugu dambeysay, taasoo muujinaysa hufnaan iyo daacadnimo shaqo oo heer sare ah. Wasaaradaha la bogaadiyay waxaa ka mid ah:
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
Gabagabo:
Fadhiga Golaha Wasiirada ee 30-aad wuxuu si cad u muujiyay sida Xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay inay hormariso adeegyada muhiimka u ah bulshada, isla markaana ay xoojiso nidaamka caddaaladda, iyo horumarinta maamul hufan oo casri ah. Ansixinta Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci iyo warbixinada wasaaradaha ayaa calaamad u ah dowlad dhisid xoogan oo ku wajahan danta guud iyo kobcinta hay’adaha qaranka. Iyada oo ay intaas dheertahay himilooyinka iyo qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha mustaqbalka, iyadoo la adeegsanayo qorsheyaal istiraatiji ah oo ku saleysan hufnaan, wada shaqayn iyo aqoon.