Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cumar Shucayb Maxamed, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Cali Axmed Cabdi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Axmed Cisman jaama (Talo-same) ayaa shir muhiim ah la qaatay Agaasime Waaxeedada Wasaaradda, kaas oo lagaga hadlay adeegyada Xanaannada Xoolaha iyo qorsheyaasha wasaaradda ee lagu taageerayo nolosha dadka Reer miyiga ah.
Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda, ayaa waxaa looga hadlay horumarinta adeegyada Xanaannada Xoolaha, qorsheyaasha lagu taageerayo nolosha Reer miyiga, iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka Xoolaha ee Gobollada ay Wasaaraddu ka howlgasho iyo dar-dar gelinta mashruucyada Horumarineed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan shaqada iyo hawlaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu qabatay. Wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey qorshayaasha horumarineed, mashaariicda socda, iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada ay wasaaraddu siiso bulshada reer miyiga.
Wasiir Cumar Shucayb Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siineyso sidii Xoolo dhaqatada iyo dadka ku nool miyiga ay u heli lahaayeen adeegyo tayo leh, Wuxuuna ku dhiirrigeliyay Agaasime waaxeedada inay si hufan uga Shaqeeyaan qorsheyaasha u dejisan Wasaaradda.
Shirka uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ahaa mid lagu dardar-gelinayay hawlaha iyo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda. Kulankan ayaa mid muujiyana sida ay hoggaanka sare ee Wasaaradda uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xanaannada xoolaha, iyo sidii bulshada reer miyiga loo gaadhsiin lahaa adeegyo tayo leh.
Warbixin uu shirka ka jeediyay Agaasimaha Guud ayaa ahayd mid uu ku iftiiminayey horumarka iyo mashaariicda socda, taasoo tusaale u ah dadaalka joogtada ah ee Wasaaraddu ku bixiso kobcinta nolosha xoola-dhaqatada.
Ugu dambayn, Wasiir Cumar Shucayb Maxamed ayaa ku adkeeyay dhammaan Agaasime-waaxeedyada in ay si wadajir iyo hufnaan leh uga shaqeeyaan hirgelinta qorshayaasha iyo mashaariicda lagu horumarinayo waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.