Xukuumadda Somaliland ayaa gorfaynaysa isla markaana daraasado ku samaynaysa isbedelka Cimilada Somaliland iyo sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha ka dhasha isbedelka Cimilada. Hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka, ayaa daahfurtay kulan lagu gorfaynayo siyaasadda isbedelka ku yimi cimilada Somaliland.
Kulankaas oo socon doona muddo labo cisho ah ayay ka soo qaybgaleen isu duwayaasha Hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka ee gobalada dalka, waxaana lagu falaqayn doonaa isbedelka ku yimi roobabka iyo Cimilada Somaliland.
Guddoomiyaha Hay,adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in lagu falaqayn doono isbedelka Cimilada iyo ka hortaga masiibooyinka.Waxaanu yidhi”Kulankan waxa aynu kaga hadlaynaa sidii aynu uga hor tagi la hayn masiibooyinka.in afkaar fiican laysku waydaarsado.Cimilada isbedelaysaa waxyaabo aynaan hore u aqoon ayay inagu soo kordhisay,xiliyo roobka loo bartay waa la waayayaa xiliyo aan roobka la filayn wuu da ayaa.labada jeerba dhibaatooyin ayaa ka imanaya.haddaan loo sii diyaar garoobin abaaraha oo kale waa in aynu usii weel samaysano,markaa waxa aynu doonaynaa in aynu ka soo saarno go,aamo”.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda qorshaynta Hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Xasan Daahir Diiriye oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa tilmaamay in qaranka ay u qaabilsan yihiin ka jawaabista masiibooyinka, Waxaanu yidhi "Hay’addu waxa ay qaranka u qaabilsantahay ka jawaabista masiibooyinka,
barigii hore waxa aynu la hayn qaab dhaqameed dadkeenii hore u saadaalin jireen, xiligaa marka ay noqoto abaar ayaa la filayaa xiligaa marka ay noqoto roob ayaa la filayaa.tii ayaa la casriyeeyay”.