Safarkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu xambaarsanaa miisaan siyaasadeed oo weyn. Safarkani ayaa calaamad u noqdayisbeddel istaraatiji ahoo ku wajahan xidhiidhka laba geesoodka ah ee sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo ah laba dal oo daris ah,dan-wadaag ah, isla markaana wadaagawaajibaad iyo fursado wadajir ah.
Kulamada rasmiga ah ee uu Madaxweyne Cirro la yeeshay madaxda sare ee Itoobiya, oo ay ugu horreeyaan Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya,Dr. Abiy Ahmed, iyo masuuliyiinta kale, waxay daah-fureen waddo cusub iyoxidhiidh diblomaasiyadeed oo istaraatiiji ah. Arramaha kulamadaasi lagaga wada hadlay ayaa ahaa kuwo taabanaya qodobo aasaasi ah, sida xoojinta Amniga iyonabadgelyada gobolka,iskaashiga dhaqaalaha,isu-socodka dadka iyo badeecadaha, iyokaabeyaasha horumarka.
Xidhiidhka labada dhinac wuxuu muujinayaa in Somaliland ay ka go’an tahay in ayla macaamisho deriskeedasi mas’uuliyadi ku dheehan tahay, iyadoo Itoobiya-na ay u muuqato in ay aqoonsan tahay miisaanka iyo muhiimadda Somaliland ee gobolka Geeska Afrika.
Dhinaca amniga, safarku wuxuu dhiirrigelin u yahayxoojinta wada shaqaynta labada dal ee la dagaalanka khataraha amni, sida tahriibka, argagixisada, iyo dambiyada xuduudaha ka gudba. Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo leh xuduud dheer, una baahan in ay si wada jir ah u ilaaliyaanxasilloonidaiyodeganaanshaha gobolka.
Kulamada amni ee safarkan ka dhacay waxay iftiiminayaan in la fahmay baahida iskaashi qoto dheer, isla markaana labada dawladood ay dhisayaan iskaashi iyo saldhig cusub oo amni oo labada dhinac ah.
Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsanaa ee safarkan ayaa ahaa kobcinta xidhiidhkadhaqaale iyo ganacsi. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayaa sii kordhinaya xiisaha ay u qabto helitaanka marin badeed toos ah, iyadooDekedda Berberaay si cad u noqotay xudunta ganacsi ee Geeska Afrika. Somaliland-na waxay halkaa ka helaysaa fursad lagu kobcinayo dakhliga iyo maalgashiga, isla markaana lagu xoojinayo doorkeeda ganacsi ee gobolka.
Safarkan Madaxweyanaha ayaa si cad u muujinaya inSomaliland si dhab ah loogu tixgelinayomasraxa siyaasadeed ee Geeska Afrika. Casuumaadda rasmiga ah ee Madaxweyne Cirro ee Addis Ababa waxay ahayd farriin cad oo muujinaysa in beesha caalamka, gaar ahaan waddamada deriska ay diyaar u yihiinla macaamil siyaasadeedoo macno leh.
Safarka Madaxweyne Cirro ee Itoobiya wuxuu u dhigmaafuritaan cusuboo ku saabsan xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka gobolka. Waa tallaabo istaraatiji ah oo muujinaysa go’aanka Somaliland ee ah inayku shaqeyso diblomaasiyad furan, dan guudna ku salaysan. Waxa la arkaa inxidhiidhka Somaliland iyo Itoobiyauu noqonayo mid salka ku hayaisu-dheelli tirnaan, wadaag fursado iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.
Somaliland waxay mar labaad caddeysay inay tahayla-hawlgal diblomaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo, diyaarna u ah inay door muuqda ka ciyaarto mustaqbalka gobolka Geeska Afrika.
Ugu dambayn, safarka Madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya wuxuu calaamad u yahay istaraatijiyad cad oo ku dhisan difaacida danaha qaranka, raadinta fursado cusub oo diblomaasiyadeed, iyo dhismaha iskaashi dhab ah oo waxtar u leh labada shacab. Sidoo kalena waa tallaabo xoojinaysa doorka muuqda ee ay Somalialnd ka qaadanayso siyaasadda gobolka Geeska Afrika.