Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Sharraxay Waxqabadka iyo Guulaha Xukuumadda JSL

Monday October 27, 2025 - 13:25:55
hadhwanaagnews
Siyaasi Axmed Muumin Seed waxa uu xukuumaddu ay guulo waaweyn...



Siyaasi Axmed Muumin Seed, oo ka mid ah haldoorka siyaasadda Somaliland, ayaa faahfaahin iyo sharraxaad qoto-dheer ka bixiyey waxqabadka iyo guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, tan iyo markii Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) loo doortay hoggaaminta qaranka.

Siyaasi Axmed Muumin Seed waxa uu tilmaamay in xukuumadda wadasjir iyo waxqabqad ay ku guulaysatay hirgelinta qorshayaal muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, xoojinta dhaqaalaha, amniga, kobcinta madax-bannaanida qaranka Somaliland iyo bilowga iyo dhamaystirka mashaariico waaweyn oo wax ku ool ah.

Siyaasi Axmed Muumin Seed waxa uu xukuumaddu ay guulo waaweyn oo muuqda ka gaadhay xoojinta iyo sugidda amniga qaranka Somaliland oo maanta gaadhay heer lagu faani karo. Sidoo kale waxa uu si gaar ah u ammaanay go’aankii geesinimada lahaa ee Madaxweynaha JLS mushaharka ugu kordhiyay ciidamada dalk iyo qaramaynta ciidamadii madaniga ahaa oo maanta si rasmi ah uga mid ah ciidamada qaranka JSL.

Axmed Muumin Seed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si qodobaysan u ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo uu ku cabbiray guulaha iyo waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu si gaar ah diiradda u saaray dhinacyada nabadgelyada, dib-u-habaynta ciidamada, iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Siyaasiga Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu nabad waarta ka hirgeliyay deegaanno ay hore uga jireen khilaafaadyo, sida Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo, taas oo muujinaysa dadaalka xukuumadda ee lagu xallinayo colaadaha bulshada iyo dib u dhiska kalsoonida bulshada dhexdeeda. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigay mid qaran oo nidaamsan, isla markaana la sameeyay tiro-koob rasmi ah oo lagu diiwaangeliyay ciidamada Booliska, Sirdoonka iyo Militariga, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo daahfurnaan shaqo.

Sidoo kale, Axmed Muumin Seed ayaa tilmaamay in madaxweynuhu kordhiyay mushaharka ciidamada si loo xoojiyo nolol-maalmeedkooda iyo tayada adeeggooda, taasoo door weyn ka qaadatay ilaalinta nabadgelyada iyo amniga dalka.

Dhanka kale, wuxuu bogaadiyay dadaallada xukuumadda ee abuurista jawi wada shaqeyn iyo heshiisyo beeleedyo taariikhi ah, kuwaas oo horseeday is-afgarad iyo midnimo bulsho, isaga oo tusaale u soo qaatay isu imaanshihii Ugaaska guud ee beesha Samroon iyo Suldaanka guud ee beesha Warsangali, oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo xoojinaysa wadajirka iyo nabada qaranka.

Axmed Muumin Seed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Madaxwaynuhu wuxu nabadeeyay oo uu isku keenay ummadda reer Somaliland Bari ilaa Galbeed, madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadiisu mudadaa ay xilka hayeen tallabadii u horaysa ee ay qaadeen waxay noqotay inuu qarameeyo ciidamadii madaniga ahaa, kuwaasi oo dhammaa ilaa lix kun oo askari, maanatana waa ciidan Qaran oo u tirsan ciidankeena.

Madaxwaynuhu tallaabooyinka uu qaaday waxa ka mid ah wuxu ku dhiiraday inuu mushaharka u kordhiyo ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu go’aamiyay muddadii uu joogay iyo in sannad walba wax loogu daro, taasi oo guul u ah ciidanka iyo dadka reer Somaliland, maadaama ay ciidanku yihiin kuwa aynu ku seexano ee nabadgelyadeena ilaaliya, inay waxba5rasho iyo wax ku filan helaan waa tallaabo uu madaxwaynuhu hore u qaaday.”

Siyaasigu waxa uu intaasi ku daray "Sidoo kale madaxwaynuhu markii uu xilka la wareegay waxa uu tira-koobay ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo markii hore ahaa Jaantay wadhan ama caagluhu badnaa, ayaa waxa uu tira-koob sax ah u sameeyay ciidanka oo manta la garanayo askai kasta oo ciidanka ka mid ah, ama ha noqdo Boolis, Sirdoon,Milatari uu leeyahay Number iyo magac iyo sidoo kale la garanayo ciidanka uu ka tirsan yahay iyo halka uu joogaba, taasina waa arrin u baahan in madaxwaynaha iyo xukuumadiisa lagu boggaadiyo.

Waxa iyadana tallabooyinka uu madaxwaynuhu qaaday ka mid ah, waxad ogtihiin Ceel Af-wayn oo muddo afar iyo toban sanno dagaal ka socday gudaheeda oo dad iku abti, adeer iyo walaalo ah, ayuu madaxwaynuhu labadii bilood ee u horeeyay ku nabadeeyay, taasi oo xukuumadihii hore isku dayeen balse ay nabadayn kari waayeen, waana tallabo ku daysho mudan.”

Siyaasi Axmed Muumin Seed waxa uu intaasi ku daray "Guulaha uu madaxwaynuhu soo hooyay ee aanu bulshada u sheegayno waxa ka mid ah nabadayntii Ceel Af-wayn, nabadayntii Ceerigaabo oo uu madaxwaynuhu gogol dhigay, taasi oo dadkii walaalaha ahaa ee muddada kala maqnaa ay halkaa isugu yimaadeen, waxa kale oo iyaduna guul ah in Ugaaskii Beelaha Samroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble iyo Suldaankii guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ay halkaa isugu yimaadeen, waa taariikh aan abid Somaliland ka dhicin, laakiin manta dhacday”

     
Loading...