Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si dhab ah ugu hagar baxday horumarintaMashruuca Marin Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor), kaas oo laf-dhabar u ah qorshaha horumarineed ee qaranka. Dadaalka muuqda ee xukuumadda ayaa muujinaya in Berbera Corridor aanu ahayn oo kaliya mashruuc lagu horumarinayo kaabayaasha, balse uu yahayhimilo qaranoo loogu talogalay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo kor u qaadidda isku-xidhka gobollada dalka iyo suuqyada mandaqada Geeska Afrika.
Mashruucan istaraatiijiga ah wuxuu Somaliland u furayaa albaab cusub oo ganacsi, isagoo sidoo kale sare u qaadaya kalsoonida gudaha iyo tan caalamiga ah ee ku aaddan nidaamka dhaqaale ee dalka, kaas oo si muuqata u muujinaya xasillooni, karti iyo jihayn siyaasadeed oo sugan.
Kulanka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Heer Qaran ee Korjoogtaynta Mashaariicda (National Oversight Committee (NOC) ee ka qabsoomay magaalada Hargeysa 09 October 2025, waxa uu markale muujinayaa bisaylka iyo hufnaanta maamul ee ay Somaliland ku wajahayso mashaariicda istiraatiijiga ah ee horumarinta dalk, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Marin-Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor).
Marinka Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor) wuxuu Somaliland ka dhigayaa xarun isku xidha gudaha Afrika iyo marinada istiraatiijiga ah ee caalamka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waa mashruuc dhaqaale oo aan ku koobnayn dhismaha kaabayaal sida waddooyin iyo deked, balse leh yool qoto dheer oo la xidhiidha koboca waara, fursado shaqo, iyo is-dhex-galka suuqyada dunida.
Mashruucani wuxuu si qoto dheer u iftiiminayaa doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku yeelan karto khariidadda ganacsiga gobolka iyo tan caalamka. Waa mashruuc fure u noqon kara horumar bulsho oo baaxad leh, koboc dhaqaale oo joogto ah, iyo isbeddel nololeed oo muuqda, kaas oo gaadhi kara dhammaan qaybaha bulshada.
Gunaanad:
Mashruucaha Berbera Corridor waa waddada horumarinka mustaqbalka. Waa jidka Somaliland ay kaga bixi karto caqabadaha dhaqaale ee soo wadahay dunida muddooyinkii u dambeeyay, sidoo kale mashruucani waxa uu ku kor u qaadayaa kalsoonida maalgashiga caalamiga ah iyo ka gudaha.