Isma Bedesho Aragtidaha Ethiopia Ay Ka Leedahay Somalia.

Tuesday August 12, 2025 - 17:43:10
hadhwanaagnews
Jaantuska hoose wuxu inoo muujinayaa aragtida Ethiopa waqtigii



Aragtida Ethiopia ee ku wajahan Somalia marna isma bedelin, kasoo bilow Waqtiyadii hore Gumaystaha ka hor, Dagaaladii Islaamka iyo Kiristaanka ee Geeska Africa, waqtigii adkaa dhulka Hawd-ka iyo marxaladihii uu soo maray, Gumaystihii horaanta Qarnigii 20aadiyo ugu dambayn Xornimada Somalia iyo burburkii Dawladnimadaas.

Jaantuska hoose wuxu inoo muujinayaa aragtida Ethiopa waqtigii kala dambeeyey ay ka lahayd dhinaca Soomalida gaar ahaan Dawladnimadda Somalia:

Waqtiyadii

Aragtidii Ethopia ee Somalia ku wajahnayd

Gumaystaha ka hor (Pre-colonial)

Waxay ku adkayd aragtida Christianity iyadoo kasoo horjeeday Islaamkii Geeska Africa gaar ahaan dagaaladii Axmed Gurey

Waqtigii Gumaystaha

Waxay diidanayd Somali dawlad yeelata iyo aragtida Somaliweyn (Greater Somali ambitions)

Dagaalkii Qaboobaa (Cold War)

waxay Somalida u aqoonsanayd Cadowga Gobolka iyo Xooga millatari kasoo horjeeda gaar ahaan Dagaalkii Dhulka Somali Galbeed

Waqtigii Burburka 1991–2006

Waxay aaminsanayd Somalia inay tahay dawlad daciifa, oo Amnigeeda halis ku ah

2006– ilaa hadda

waxay u aragtaa Somalia ka leedahay Danno waqti fog (Strategic Interest), ku yeelato saamayn dhexdeeda ah iyo xasiloonida xaduudaha

 

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

<[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...