Xukuumadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u daah-furtay wajiga labaad ee qiimaynta lacageed ee qandaraaska shirkadaha u tartamay kormeerka dhismaha wadada Lawyacaddo iyo Saylac, oo dhererkeedu yahay 30 kiiloomitir, taasoo qeyb ka ah mashruuca horumarinta wadooyinka dalka.
Kulanka daahfurka ayaa ka dhacay xarunta Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, waxaana furay Maareeyaha Hay’adda, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, oo bogaadiyay guddiga mashruuca iyo shaqada adag ee ay qabteen, isla markaana u mahadceliyay Baanka Horumarinta Afrika oo isagu lahaa maalgelinta mashruuca wadada Lawyacaddo-Fardaha-Boorama.
Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi Mudane Maxamed Faarax Cabdi ayaa si rasmi ah u furay wajiga labaad ee qiimaynta lacageed ee qandaraaska mashruuca dhismaha waddadan, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu shaqeeyo hufnaan iyo hannaanka tartan ee cadaaladda ku dhisan.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, guddiga mashruuca u xilsaaran, iyo wakiillo ka socday shirkadaha ku soo baxay wajiga kowaad ee tartanka kormeerka dhismaha wadada. Mashruuca dhismaha wadadan muhiimka ah ayaa la filayaa inuu xoojiyo isku xidhka gobollada iyo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo laga faa’iideysanayo maalgelinta Baanka Horumarinta Afrika.