Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhiirrigelinaysa horumarinta qaranimada, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, iyo wacyigelinta bulshada. Tallaabadan waxaa lagu gaadhay iyada oo la qabanqaabiyay madal heer qaran ah oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin dawladeed, aqoonyahanno, iyo bulshada inteeda kale.
Madasha wacyigelinta ah ee loogu magac daray "Madasha Wacyigelinta Bulshada ee Dawladnimada iyo Kobcinta Dhaqaalaha” ayaa horseed u noqon karta isbeddel dhab ah oo lagu xoojinayo fahamka bulshada ee ku aaddan qiimaha dawladnimo iyo muhiimada ay leedahay nidaamka dawliga ah ee hufan.
Dawladnimadu waa laf-dhabarta horumarka bulsho kasta, waxayna Somaliland u baahan tahay in la abuuro jawi ammaan ah, xasilooni siyaasadeed, iyo kalsooni guud oo lagu horumariyo dhaqaalaha iyo maalgashiga gudaha iyo dibadda. Madashani waxay soo bandhigtay aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha qabyaaladda iyo sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo dhalinyarada u horseeda horumar iyo nolol wanaagsan.
Madashan ayaa ka mid ah dedaaladda wasaaradda warfaafinta dhaqank iyo wacyi-gelinta Somaliland ee lagu xoojinayo wadashaqeynta dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo gaadho himilooyinka waaweyn ee Somaliland hiigsanayso. Iyada oo loo marayo dejinta qorshayaal cad oo wax ku ool ah si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo dhaqaale ahaan iyo siyaasiyanba la isku halleyn karo.
Tallaabadan cusub ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ah mid lagu faani karo, waxayna u tahay dhiirrigelin dhammaan qeybaha bulshada iyo madaxda si loo sii wado jidka horumarka iyo horumarka qaranka.
Madashan Wacyigelinta ahwaxaa si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaale, taas oo calaamad u ahayd kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo himilooyinka dhaqaale ee qaranka. Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo dawladeed, oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maalgashiga, Ganacsiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda; Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga; Madaxa Hay’adda Caymiska Qaranka; Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare; Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha; aqoonyahanno sare iyo marti sharaf qiimo leh. Ka soo qaybgalka ballaadhan ee masuuliyiintani waxay muujinaysaa muhiimadda wadajirka bulshada iyo xukuumaddu ay kaalin uga qaadan karaan dhismaha qaranka.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Axmed-yaasiin, oo kulanka furay, wuxuu si qoto dheer uga hadlay in ujeeddada shirku yahay in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay dawladnimadu, si ay dadku u fahmaan qiimaha ay leedahay nidaam dawli ah oo habaysan, kaas oo ah laf-dhabarta nolol kasta oo bini’aadam.
Wasiirka Maalgashiga, Mudane Siciid Maxamed Buraale, isaguna wuxuu si weyn u bogaadiyay kulankan, isagoo xusay in horumarka dhaqaalaha, maalgashiga iyo nolol wanaagsan oo shacabka anfici karta ay dhammaantood ku xidhan yihiin nidaam dawli ah oo la aamini karo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah.
Wasiirka Ganacsiga, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxa uu iftiimiyay caqabadaha dhaqaale ee ay qabyaaladdu ku hayso dhalinyarada iyo fursadaha shaqo abuur. Wuxuu si geesinimo leh u sheegay in loo baahan yahay in laga guuro nidaamka qabyaaladda ee shaqooyinka lagu raadin jiray, loona gudbo nidaam xirfadeed iyo karti sal leh.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa dhankiisa si qoto dheer uga hadlay doorka ganacsiga ee kobcinta dhaqaalaha iyo sidii loo ballaadhin lahaa adeegyada bulshada, loona xoojin lahaa ganacsiga gudaha.
Doodaha madashan waxaa ka qayb qaatay aqoonyahanno sare oo ay ka mid yihiin Dr. Sacad Cali Shire, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, iyo Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Waxay si toos ah uga jawaabeen su’aalo ay ardayda jaamacadaha dalka ka keeneen arrimaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo sidii loola dagaalami lahaa caqabadaha qabiilka ee hor taagan wadajirka bulshada.
Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, ayaa si gaar ah uga hadlay sida caafimaadka iyo kobaca dhaqaaluhu ay isugu xidhan yihiin. Wuxuu sheegay in maalgashiga caafimaadku uu yahay aag wax-ku-ool ah oo toos u taabanaya nolosha bulshada.
Ugu dambeyntii, madasha waxay kusoo gebogabowday qodobo muhiim ah oo lagu soo saarayWar-murtiyeed,kuwaas oo kala ah:
Dhacdadani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay wadahadal joogto ah, wacyigelin bulsho iyo iskaashi dowladeed oo ku saleysan aqoon, si loo dhiso dawladnimada, loona helo dhaqaale adkaysi leh. Madashan waxay u taagan tahay caddeyn dhab ah oo muujinaysa in Somaliland ay ku socoto waddadii bisaylka siyaasadeed iyo kobaca dhaqaale ee la isku halleyn karo. Go’aannada laga soo saarayna waa inay noqdaan tilmaame iyo hage loogu socdo qorshe siyaasadeed iyo horumarineed oo waara.