Dawladnimada Somaliland 26 June 1960. (State of Somaliland).

Tuesday November 25, 2025 - 15:09:37
HADHWANAAG
*Somaliland – British Protectorate (1884–1960) .





Taariikheed, sharciyeed iyo si caddaalad ah loo fahmi karo waxa dhacay 1960
iyo sababta dadka Somaliland u leeyihiin inay hore u ahaayeen dal madax-bannaan oo aan "mar labaad” aqoonsi u baahnayn.

*Somaliland – British Protectorate (1884–1960) .

Somaliland waxa uu ahaa British Protectorate muddo ku dhow 76 sano (1884–1960).
Ingiriisku wuxuu maamulayey dhul gaar ah oo aan waligiis hoos tagin Talyaaniga ama maamul kale.

26 June 1960 — State of Somaliland Independence .

Taariikhda rasmiga ah:

✔️ 26 June 1960

Somaliland waxay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsan yahay, oo magaciisu ahaa:

State of Somaliland

Waxa aqoonsaday ugu yaraan 35 dal, oo ay ku jiraan:

UK

Egypt

Ethiopia

Sudan

Israel

iyo dalal kale oo UN ka tirsan.

Somaliland waxay lahayd dawlad, calan, dastuur ku meelgaar ah, golayaal sharci oo u gaar ah.

Waxay heshay aqoonsi caalami ah — aqoonsi rasmi ah oo qaanuunka caalamiga ah.

1 July 1960 — Ku Biiristii Somalia (Italian Somalia)

Halkan ayaa muranka ugu weyn ka jira:

*Ma jirin heshiis midnimo oo la saxeexay 1 July 1960.

Somaliland iyo Italian Somalia wax heshiis ah oo caalami ah (treaty) kama dhicin.

Wax dukumeenti sharci ah oo labada dal u dhigma midowga Ethiopia
–Eritrea ama Egypt–Syria ma jiro.

Waxaa jiray niyad politikal ah oo lagu doonayay "Somaliweyn”,
laakiin ma jirin heshiis sharci ah (Act of Union)
oo labada dhinac ay wada saxeexeen.
*Taariikhyahannadu waxay cadeeyeen:

Act of Union-ka rasmi ah lama saxeexin

Parliament-yadii cusub kama ansixin isku mid .

Dastuurkii Somalia ee 1961 waxaa Somaliland si aqlabiyad ah u diiday aftida (Referendum).

Taasi waxay ka dhigan tahay:

Midowgii
1 July 1960 wuxuu ahaa mid fowdo ah oo aan sharci caalami ah lagu dhisin.

*Aragtida Somaliland maanta: "Aqoonsi mar labaad looma baahna.”

Tani waxay ku salaysan tahay laba arrimood:

1- Somaliland horay ayay u ahayd dal madax-bannaan (26 June 1960).

2-
Midowgii
1 July sharci ma noqon, sidaa darteed burburkii 1991 wuxuu ahaa:

Soo celinta dawladnimada hore (Restoration)

ee aan ahayn gooni-isu-taag cusub (secession).

Sida ay qabaan xirfadlayaal badan oo sharci caalami ah:

Somaliland waxay leedahay dood sharci oo xooggan oo ku dhisan
"uti possidetis juris” iyo "state continuity.”

*Soo Koobid:

Somaliland waxay ahayd dal madax-bannaan 26 June 1960.

1 July 1960 midnimo sharci ah lama saxeexin.

Somaliland waxay leedahay dood ah in aay siyaasadeed iyo madax-bannaani hore u jirtay, sidaa darteed:

Aqoonsi cusub looma baahna ,
ee waa in la aqoonsado dawladnimadii hore ee la soo celiyay.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...