hadhwanaagnews
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale dunida tusay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee dawladnimada iyo horumarka qaranka Somaliland. Isu-soo-baxii ballaadhnaa ee lagu qabtay caasimadda Somaliland, laguna taageerayay nabadda iyo midnimada qaranka ayaa habeenkii Khamiista ka dhacay magaalada Hargeysa, kaas oo lagu muujiyey isku duubnida iyo bisaylka siyaasadeed ee bulshada Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada,Mudane Khadar Xuseen Cabdi, oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday doorka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ku aaddan xoojinta nabadda iyo wadajirka shacabka.
Wasiir Khadar ayaa si qiiro leh u sheegay in xukuumadda wadajir iyo waxqabad muddadii ay jirtay ay dedaal badan ku bixisay xoojinta nabadda, wadajirka iyo midnimada qaranka Somaliland, waxaanu yidhi "Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cirro, sagaalkii bilood ee uu xilka hayey, nabadda ayuu ka shaqaynayey; wadajirka reer Somaliland ayuu ka shaqaynayey; waxa uu si weyn uga shaqeeyay madaxweynaha qaranku dhammaanteen sidii aynu gacmaha isu qabsan lahayn.”
Wasiir Khadar ayaa intaas ku daray in shacabka Somaliland ay yihiin dad nabadda, wanaagga, iyo midnimada jecel, isagoo yidhi: "Waxaad tihiin ummad nabadda jecel, wanaagga jecel, midnimada iyo wadajirka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland jecel. Waan ognahay, waanan idiinka mahadnaqaynaa.”
Dhankiisa,Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa si xoog leh u adkeeyay muhiimadda nabaddu u leedahay bulshada iyo nolosha guud ee aadanaha. Isagoo ka hadlayay isu soo baxa nabadda, ayuu tilmaamay in nabaddu tahay saldhigga horumarka, halka ay rabshadduhu burbur iyo dib-u-dhac horseeddo. Waxaanu yidhi Professor Cadaad "Nabad ayeynu ku seexanaynaa, marka aynu nabad helno ayeynu maalgashi helaynaa, carruurteennu wax wanaagsan ayey baranaysaa. Aan dhammaanteen gacmaha isqabsanno, oo aynu ilaalinno nabadda.”
Hadallada masuuliyiintan ayaa si qoto dheer u muujinaya aragtida xukuumadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad, taas oo ku dhisanwadaniyad, wadajir iyo kalsooni bulsho, kana tarjumaysa in nabaddu tahay laf-dhabarka siyaasadda, horumarka, iyo sumcadda Somaliland ee caalamka.
XukuumaddaWadajir iyo Waxqabadee uu hoggaamiyo Madaxweynuhu waxay muddadii koobnayd ee ay jirtay ku guulaysatay inay dib u dhisto kalsoonida bulshada, isla markaana ay xoojiso wada hadalka iyo nabadaynta bulshada Somaliland, iyada oo muddadaa si dhab ah u muujisay hoggaamin mas’uuliyad iyo midnimo qaran ku dhisan.