"Haweenku Waa Laf-dhabarta Bulshada iyo Horumarka Dalka" – Wasiir Ku-xigeen Samsam

Sunday March 08, 2026 - 13:45:02
HADHWANAAGNEWS
Iyadoo arrimahaas ka hadlaysay ayay tidhi:



Wasiir ku-xigeenka Samsam Saalax Yacniile ayaa sheegtay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada iyo horumarka dalka, iyadoo carrabka ku adkaysay kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada iyo horumarinta qaranka.


 

Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaantay in haweenku leeyihiin dulqaad, karti iyo waayo-aragnimo, taas oo ka dhigaysa kuwo si weyn uga qayb qaata dhismaha bulshada iyo horumarka dalka.


 

Waxay sidoo kale xustay in haweenku yihiin hooyooyin iyo xaasas, isla markaana ay qaadaan masuuliyado badan oo muhiim u ah qoyska iyo bulshada.


 

Iyadoo arrimahaas ka hadlaysay ayay tidhi:


"Dumarku caddaaladda ayay yaqaanaan, waxayna jecel yihiin inay dadka u adeegaan. Shaqada aynu hayno mid ragu qaban karaan maaha. Hooyooyin baynu nahay, xaasas baynu nahay, shaqaduna waa mid badan. 36 sano ayaan dalka ka maqnaa balse rajo fiican ayaan ku imid, dumarkuna waa laf-dhabarta bulshada iyo horumarka dalka.”


 

Hadalkan ayaa muujinaya sida ay Wasiir ku-xigeen Samsam uga go’an tahay taageeridda iyo dhiirrigelinta haweenka, iyo in bulshada ay si buuxda u garwaaqsato doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarka dalka.

     
Loading...