Wasaarada Horumarinta Maaliyadda iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa tababar lagaga hadlayo nidaamka maamulka maaliyada u furay agaasimeyaasha guud ee cusub ee dhawaan la magacabay.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Maxamed Xasan Saleebaan iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka Xasan Muuse Khaliif oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha in ay ka faaiidaystaan casharada lagu bixinayo.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Maxamed Xasan Saleebaan oo hadal ka jeediyay tababarkan ayaa waxa uu sheegay in nidaamka Maaliyadda dalka uu yahay mid casriya.Waxaana uu yidhi "Sida aynu la socono nidaamka Maamulka Maaliyadda wadankeenu waa nidaam casriya,markaa u jeedadu waxay ahayd in nidaamkaa ku tababarno.waxaana muhiima in agaasime waaxeedyada aqoon u leeyihiin.waxaana idiika mahadnaqayaa sida aad uga soo qayb gasheen waana in laga faa,iidaysto wakhtigaa kooban ee tababarka uu socdo”.
Sidoo kale Xisaabiyaha guud ee qaranka Xasan Muuse Khaliif oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in uu rajaynayo in tababarkan ay soo bixi doonto natiijo fiican.Waxaana uu yidhi”Waxa aan ku faraxsanahay fikradan ah in agaasimayaasha shaqaalaha Wasaaradaha la tababaro idikuna shaqaalaha kale tababartaan.agaasime waaxeedyada Maamulka lacagta ee Hay,adaha dawlada gaar ayaan u tababaraynaa.waxaana aan idiin rajaynayaa in tababarkani noqdo mid natiijo fiican ka soo baxdo waana in aad ka faa,iidaysataan tababarkan”.