Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa qaadday tallaabo horumarineed oo muhiim ah

Wednesday August 13, 2025 - 14:57:40
hadhwanaagnews
Tallaabadan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo in Wasaaradda Maaliyaddu


Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa qaadday tallaabo horumarineed oo muhiim ah iyada oo dardargelinaysa shaqada xafiisyada cashuuraha ee maxkamadaha gobollada dalka. Kulankii dib-u-eegista iyo horumarinta shaqada ee uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta waxqabadka xafiisyada, ka jawaabista caqabadaha jira, iyo dejinta qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo adeegyada cashuuraha iyo hufnaanta shaqada.

Kulankan oo ku dhacay jawi wada-tashi ah ayaa waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la casriyeeyo habraacyada shaqada, si adeegyada cashuuraha loogu gudbiyo shacabka si hufan, degdeg ah, islamarkaana tayo leh. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta inay kor u qaadaan wada-shaqeynta iyo hal-abuurka, taasoo looga gol leeyahay in la gaadho koboc dhaqaale iyo dakhli qaran oo muuqda oo ka qayb qaata horumarinta dalka.

Tallaabadan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo in Wasaaradda Maaliyaddu ay si buuxda uga jawaabto baahiyaha isbedelka dhaqaalaha casriga ah, iyadoo adeegyada cashuuraha loo fududeynayo bulshada, loona sahlayo ganacsiyada iyo shacabka inay si hufan u gutaan waajibaadkooda cashuureed.

Dardargelintan shaqo waxay qeyb ka tahay qorshaha ballaadhan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso nidaamka cashuur uruurinta, taasoo ah tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka, sugidda adeegyada bulshada, iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee qaranka.

Guud ahaan, tallaabadan cusub waxay muujinaysaa sida Wasaaradda Maaliyadda ay uga go’an tahay inay kor u qaaddo hufnaanta iyo adeegyada cashuuraha, iyadoo la xoojinayo isdhexgalka hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha si loo gaadho himilooyinka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.
     
Loading...