Kulankan ayaa lagu falanqeeyay mashruuc cusub oo ay wasaaraddu
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland, Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa daah furay kulan wadatashi ah oo ay ka qayb galeen daneeyayaasha mashruuca horumarinta bulshada ee degmooyinka dalka.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay mashruuc cusub oo ay wasaaraddu hormuud ka tahay, islamarkaana uu maalgelinayo Banka Adduunka, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah sida maamulka, caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda iyo biyaha.
Wasiir Ku-xigeenku wuxuu ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay shirkan ka faa’iidaystaan, ayna la yimaadaan talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadi kara horumarka iyo adeegyada degmooyinka dalka.