Wasaaradda Maaliyaddu oo dardargelinaysa shaqada xafiisyada Cashuuraha Maxkamadaha Gobollada

Tuesday August 12, 2025 - 14:36:04
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay heerka waxqabadka xafiisyadan...
 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland, Mudane, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa furay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo shaqada xafiisyada Cashuuraha-Berriga ee maxkamadaha gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay heerka waxqabadka xafiisyadan, caqabadaha horyaalla, iyo qorshayaal lagu horumarinayo hufnaanta iyo tayada adeegyada ay bixiyaan.

Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray baahida loo qabo dib-u-habayn iyo casriyeyn si loo kobciyo dakhliga qaranka.
Agaasimaha Guud ayaa ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha in ay xoojiyaan wada shaqaynta, hal-abuurka, iyo hufnaanta si loo gaaro horumar dhaqaale oo muuqda.
     
Loading...